Budhcad-badeedda Geeska Afrika oo heshay afar boqol oo Milyan

Hargeysa(Aftahannews):- Warbixin cusub ayaa sheegtay in Budhcad-badeedda ka howlgasha Badda geeska Afrika ay heleen afar boqol oo Milyan oo Doollar oo lacag madax-furasha ah tan iyo 2005-tii, iyadoo lacagta lagu isticmaalo falal denbiyo caalamka.

131017153410_captain_phillips_464x261_bbc_nocredit

Daraasaadka oo ay sameeyeen Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in lacagta Budhcad-badeedda loo isticmaalo ganacsiga hubka ee sharci-darrada, malleeshiyooyin, dadka sharci-darrada loo dhoofiyo iyo lacagaha sida sharci-darrada loo helo.

Laakiin, waxay sheegtay warbixinta, in denbiilayaal ku xeel-dheer Bangiyada ay ka danbeeyaan Budhcada oo aysan ahayn burcada dadka lacagaha ka faa’iida.

Warbixinta ayaa ku talisay in caalamka uu sameeyo koox ku xeel dheer lacagaha si ay uga hortagto habka lacagaha sharci-darrida la isugu gudbiyo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.