Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (Long Walk to Freedom)

Filed under: Aragtida Bulshada |

Xusuusqorka Nelson Mandela Turjumid: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Kolka laga reebo noloshayda, adaygga jidh ahaaneed, iyo ku abtirsiga qoyska reer suldaan ee dadka Thembu, deeqda keliya ee aan dhalashadaydii aabbahay ka helay waa magaca Rolihlahla. Afka Xhosa magacaa macnihiisa dhabta ahi waxaa weeye ”Laanta geedka ka soo jebi”, laakiin sida caadi ahaan loo la jeedo waxaa loo turjumi karaa ”Qalqaalli”.

Ma rumaysni magacu in uu wax ku yeesho aayaha qofka, mana qabo aabbahay in uu sii saadinayay mustaqbalkayga, ha yeeshee xigtadayda iyo asxaabtaydu sannadihii dambe magacayga ayay u sababeeyeen wixii aan maayad kiciyay ee dhan walba u fuulay.

BIO-MANDELA-WINNIE-RELEASE

Magacayga kaa ka caansan ee ingiriisida ama masiixiga ahi iiga ma horrayn maalintii dugsiga la i qoray, laakiin taasi waa sheekadii oo aan ka hordhacay.

Wax aan ku dhashay Mvezo, 18 Julaay 1918, tuulo yar oo saaran webiga Mbashe duleedkana u ah Umata oo ah magaalamadaxda gobolka Transkei.  Guga dhalashadaydu wax uu ku astaysan yahay dhammaadkii Dagaalkii Kowaad, iyo sidoo kale dillaacii cudurkii weynaa ee malyuumaadka qof dunida oo dhan ku halligay. Sidoo kale waa sannadkii ay ergada ururka African National Congress, ANC, martida u ahayd shirkii nabadda ee magaalada Versailles si ay u soo muujiyaan dareenka kacdoonsan ee dadka afrikaanka ah ee Koonfur Afrika. Ha ahaatee tuuladayda Mvezo wax ay ahayd meel fog, meel ka durugsan xarumaha dhacdooyinka waaweyn, meel noloshu isaga socoto si u dhow sidii ay boqollaal sannadood soo ahayd.

Gobolka Transkei wax uu 1300 km bari ka xigaa magaalada Cape Town iyo 900 km koonfurta Johannesburg, inta u dhexaysa webiga Kei iyo soohdinta gobolka Natal, ama inta u dhexaysa buuraleyda Drakbergen dhanka waqooyi iyo dheegagga buluugga ah ee Badweynta Hindiya dhanka bari. Waa dhul barwaaqo ah oo ka kooban haaro, dooxooyin ugbaad ah, iyo kumannaan webiyo, togag iyo durdurro ah oo dhulka cagaar ka dhiga xitaa jiilaalka. Gobolka Transkei hore wax uu ahaan jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada Koonfur Afrika, wax uuna ku fadhiyaa dhul la’eg dalka Iswisirland, waxaana ku dhaqan saddex malyuun iyo badh ruux oo ah daka Xhosa iyo tiro aad iyo aad u yar oo ah reer Basotho iyo caddaan. Dhulkaasi waa dalka reer Thembu, oo ah cid ka tirsan tolweynaha Xhosa ee aan qudhaydu mid jilibyadiisa ka mid ah ka dhashay.

Aabbahay wax uu ahaa nin dheer oo madow oo joog toosan oo muuq wanaagsan, tilmaamahaas oo aan isu sheego in aan ka hiddaystay. Food cad buu lahaa, kolkii aan yaraana foodda ayaan dambas marsan jiray si aan isaga ugu ekaado. Aad buu u miigganaa, barbaarinta carruurtiisana sarwaanta uga ma tudhi jirin. Waxa kale oo uu lahaa go’aan adayg mintidnimo ah taas oo nasiibxumo aan ka dhaxlay.

Aabbahay marmar waxaa loo magacaabay raysalwasaaraha dadka Thembu horraantii 1900-nadii xilligii uu talada saldanaddayada hayay Sabata aabbihii Dalindyebo, iyo xilligii kaa wiilkiisa Jongilizwe uu talinayay. Magacaabiddaasi ma ahayn wax dhab ah waayo xil magacaas lihi maba jirin, ha yeeshee hawshii uu hayay uun baa ahayd wax taa u dhigma. Aabbahay wax uu ahaa nin magac iyo maamuus leh oo labadaa suldaanba lataliye u ahaa, socdaallada ayuuna u raaci jiray, caadi ahaanna garabkooda ayuu taagnaan jiray kulannadooda iyo maamulkoodaba. Waxa kale oo uu awood la aqoonsan yahay ku lahaa taariikhda reer Xhosa, taas ayaana ka mid ahayd sababaha keenay in uu noqdo lataliye si weyn loo qiimeeyo. Xiisaha aan taariikhda u hayaa yaraan ayuu igu abuurmay, aabbahay ayaana igu dhiirriyay. Isagu in kasta oo aanu wax qori aqoon waxna akhriyi aqoon haddana waxaa u faaftay in uu yahay codkar dhegaystayaashiisa soo jiita isaga oo isla marka uu dadka madaddaalinyo waxna baraya.

Aabbahay wax uu lahaa afar ooryood. Ta saddexaad oo ahayd Nosekeni Fanny, waa hooyaday oo ahayd ina Nkedama oo u dhashay tolka Xhosa ee amaMpemvu kana tirsan Aqalka Sare. Afarta afoodba: marwada kowaad, marwada sare (hooyaday), marwada bidix iyo iqadi – ama marwada kaydka ah – mid waliba wax ay lahayd kraal. Kraal waa meel caadi ahaan ka kooban xeryo xoolaad, beero la fasho iyo mid ama dhawr aqal oo caw lagu waabay. Kraal-ladaasi dhawr kiiloomitir ayay isu jirjireen aabbahayna wuu isaga gooshi jiray. Socodkaa ayay ugu dhasheen saddex iyo toban qof, afar wiil iyo sagaal gabdhood. Aniga ayaa curad u ahaa bahda Aqalka Weyn uguna yaraa afarta wiil. Saddex hablood ayaannu isku bah ahayn. In kasta oo Mlahlwa ahaa wiilasha ka noogu weyn haddana Daligqili oo ahaa bahda Aqalka Kowaad ayaa aabbahay ka dhaxlay caaqilnimada. Wiilashayadii aniga mooyee imika waa ay wada mootan yihiin, waana ay iga wada waaweynaayeen igana magac sarreeyeen.

Aniga oo weli cayddi ah ayuu aabbahay la kulmay khilaaf uu madaxnimadii Mveza ku waayay taas oo ina tusaysa abuurtiisa aan qudhaydu ka hiddaystay. Runtii waxa aan si buuxda u odhanayaa waxa qofka dabcigiisa qaabeeyaa hiddaysiga ma aha ee waa barbaarinta. Aabbahay wax uu lahaa han weyn iyo jacayl aan liicin oo uu u hayo xaqsoorka, dabeecaddaas oo aan qudhaydu isku arko. Aabbahay oo kolka xilligaa loo eego hodan iyo madaxba ahaa, hantidii iyo madaxnimadiiba waa uu waayay. Dhulkiisii iyo xoolihii noolaa intii badnayd waa laga qaaday, sidaas ayuuna ku waayay dakhligii ka soo geli jiray. Noloshaa cidhiidhiga noqotay darteed hooyaday wax ay u guurtay Qunu oo ahayd tuulo tan ka sii yara weyn oo dhanka waqooyi ka xigta Mvezo halkaas oo ay ka helaysay caawimada saaxiibbada iyo xigtada. Qunu wax aannu kaga noolayn nolol tii hore ka liidata waa se tuuladaa u dhow magaalada Umtata meesha aan ku qaatay guyaashii carruurnimadayda ugu farxadda badnaa, halkaas ayaanan ka hayaa xusuusahaygii ugu horreeyay.

Tuulada Qunu wax ay ku taallay dooxo dhuuban oo cawsku qariyay togna dhex maro oo buur cagaarani ku meersan tahay. Waxaa degganaa dhawr boqol oo qof oo keliya oo ku noolaa mutullayaal, guryo u eg kuwa shinnida oo derbiyadu dhoobo yihiin, tiirna badhtanka ka qotomo oo saqaf caws ah hayo. Sagxadda aqalladu wax ay ahayd fudad dundumo oo la burburiyo oo ah ciidda ay qudhaanjadu dhulka ka soo qoddo inteeda sare ee adag, taas oo si ay u simanto faantada lo’da joogto loogu malaaso. Dabka gudaha lagu shito qiiqiisu wax uu ka bixi jiray saqafka, meesha qudha ee furanina wax ay ahayd irrid gaaban. Guryahaa mutullayaasha ahi badiyaaba wax ay u yaalleen kooxkoox la mid ah xaafado ka yara durugsan beeraha galleyda. Waddooyin ma ay jirin aan ahayn dhabbooyin cawska dhex mara oo cagaha carruurta iyo haweenka wada kabaha la ku samaysmay.

Haweenka iyo carruurtu wax ay xidhan jireen qaydad dhoobo lagu midabeeyay, cidda qudha ee tuulada oo dhan dhar casri ah xidhan jirtayna waa dhawrka qof ee masiixiga ah. Lo’da, idaha, riyaha iyo farduhu wax ay wada daaqi jireen daaqsin la wada lahaa. Dhulka Qunu u dhowi haba yaraatee wax dhir ah ma lahayn kolka laga reebo tumbul geed caleemeed ah oo ku taallay kur tuulada ka dambaysa. In yar mooyee dhulka dawladda ayaa lahayd. Berigaa dadka afrikaanka ahi dhul ma ay yeelan karayn aan ahayn in ay kiraystaan oo sannadiiba mar dawladda kirada siiyaan. Agagaarka waxaa ku yaallay laba dugi hoose, suuq ganacsi iyo haan weyn oo ay ku jireen wax xoolaha lagaga dilo dulinka iyo cudurrada. Galley, hadhuudh, digir iyo qajaarka waaweyn ayaa u badnaa waxa aannu cunno, mana aha in aannu raashinka jaadkaas ah gooni u jeclayn dadka ayaan se wax dhaama goyn karayn. Qoysaska yara ladan ee tuuladu intaa wax ay ku darsan jireen shaah, bun iyo sonkor, ha yeeshee dadka kale intooda badan taasi wax ay la ahayd raaxo ka fog oo aan dhaqaalahoodu gaadhsiin karin.

Biyaha wax lagu beerto, wax lagu karsado ama wax lagu maydho waxaa baaldiyo lagaga soo dhaansan jiray togagga iyo balliyada. Taasi wax ay ka mid ahayd hawlaha dumarka, laakiin Qunu ugu horreynba wax ay ahayd tuulo haween iyo carruureed waayo ragga badankoodu sannadka intiisa badan wax ay ku maqnaan jireen xoogsi ay ka hayeen magaalooyin fogfog, ama beero ku yaallay dhulal durdurgan, amaba godadka macdanta ee Randbergen, duudda weyn ee buurta dahabka laga qodo iyo soohdinta koonfureed ee Johannesberg. Ugu badnaan sannadkiiba laba jeer ayay raggaasi iman jireen, wax ayna badanaa u soo noqon jireen waraabinta beerahooda. Goynta beeraha iyo dhilidda waxaa loo dayn jiray dumarka iyo carruurta. Cid wax qorta ama akhridaa tuulada aad ayay ugu yarayd, haddiiba ay jirtay, waxbarasho dugsina dadka badankoodu maba ay aqoon.

Hooyaday wax ay Qunu maamuli jirtay saddex guri oo inta aan xusuusto ay ka buuxi jireen ilmo dhashay iyo carruurta xigaalku. Run ahaantii ma xusuusto intii aan yaraa aniga oo keli noqday. Dhaqanka afrikaanka carruurta ay dhaleen habaryaraha, abtiyada, eeddooyinka iyo adeerradu waxaa loo arkaa walaalahaa ee loo ma yaqaan ilmo adeer ama ilmo abti. Annagu xigtadayada u ma ka la soocno sida caddaanka. Ma naqaan wax la yidhaahdo ”half brother” iyo ”half sister”. Hooyaday walaasheed waa hooyaday, adeerkay wiilkiisu waa walaalkay, walaalkay ilmihiisuna waa inankayga ama inantayda.

Saddexda aqal ee hooyaday mid waxaa loogu dhaqmi jiray kijin ahaan, midna hurdada, midna alaab dhigashada. Aqalka aannu seexan jirnay ma oollin wax sariiro, kuraas ama miisas ah oo la mid ah alaabada reer galbeedka. Qadiifado ayaannu ku seexan jirnay dhulkana waannu fadhiisan jirnay. Barkimo wax la yidhaahdo waxaa iigu horraysay kolkii aan imid Mqhekezweni. Hooyo cuntada wax ay ku karin jirtay dheri bir ah oo leh saddex rukun oo dhardhaarro u ah iyo dab laga shido aqalka badhtankiisa amaba debeddiisa. Wax aannu cunno oo dhan annaga ayaa beeran jirnay ama samaysan jirnay. Hooyaday iyada ayaa galleyda noo beeri jirtay oo soo goyn jirtay. Kolka xasiiddu adkaato ee engegto ayaa la goyn jiray oo kiishash ama bakaar lagu kaydin jiray. Habab ka la duwan ayay haweenku galleyda u karin jireen. Wax ay ku ridqi jireen laba dhagax dabadeed budada roodhi ka dubin jireen, ama iyada oo aan la budayn ayay karin jireen oo inta ay gadhoodh ku daraan ka dhigi jireen ”umphothulo” ama ”umngqusho” (shuuro ama jidhiidh digir lagu dhex kariyay). Galleydu marmar waa ay nagu yarayd caanaha lo’da iyo kuwa riyaha ayaa se goor walba durdur ahaa.

Ilaa markii aan aad u yaraa waqtiga firaaqada wax aan tegi jiray meel aan wiilasha kale ku la ciyaari jiray ku lana diriri jiray. Wiil guriga fadhiya oo hooyadii uun tafta haysta waxaa loo arkayay liite. Habeenkana isla wiilashaas ayaan cuntadayda iyo bustahayga wax ka siin jiray. Shan jir ka ma aan weynayn kolkii aan noqday xoolajir oo aan adhiga iyo waylaha raacay. Sidaas ayuu igu galay jacaylka yaabka leh ee ay dadka Xhosa xoolahooda u hayaan, xoolahaas oo aan u ahayn uun cad iyo caano, ama hodantinnimo keliya, ee u ah wax Eebbe ku karaameeyay iyo asaaska liibaantooda ruuxiga ah. Halkaa ayaan sidoo kale ku bartay in aan shimbiruhu iyaga oo duulaya shimbiralaaye ku laayo, in aan malabka jabsado, in aan midhaha gurto oo quwaaxa qoto, in aan lo’da caanaha oo diirran afka kaga nuugo, in aan iliilaha calcalyada ah ee qabow ku dabbaasho, oo kalluunka dabto aniga oo adeegsanaya xadhig iyo taar. Wax aan isbaray habka dagaalka aniga oo ku tababaranaya ulo dhumuc leh – taas oo aad muhiim ugu ah wiilasha reer miyiga ah ee dadkayaga – wax aanan xariif ku noqday habka nabarka loogu gabbado ee haddana dhinaca kale tummaatida looga keeno iyada oo isla markaa cadawga la iska hayo intaana lugaha dhaqso looga shaqaysiinayo. Berigaas ayuu igu abuurmay jacaylka aan u qabo bananka furan, quruxda fudud ee dabeecadda iyo muuqaalka fidsan ee dunida.

Haddii aannu wiilasha nahay badanaa cidna u ma aannu baahnayn. Wax aannu ku dheeli jirnay alaabo aannu annagu samaysannay. Dhoobada ayaannu xoolo iyo shimbiro ka samaysan jirnay. Laamo ayaannu gaadhi-faras ka samaysan jirnay. Gegida ciyaartana waxaa noo ahayd dabeecadda aannu dhex joogno. Kuraha Qunu ku hareeraysani wax ay lahaayeen gebiyo siman oo siiban oo aannu ka dhigannay meelo aannu kor iyo hoos ugu ciyaarro.  Dhagxaanta siibsiiban inta aannu ku fadhiisanno ayaannu gebiyada hoos isugu soo dayn jirnay. Sidaas ayaannu ku wadi jirnay ilaa dabadu na wada xanuunto oo aannu xitaa fadhiisan kari wayno. Fuullimaadka wax aan ku bartay waylaha oo kolka aad intaas oo jeer ka dhacdo aad xeeladdeeda baranayso. Maalin wax aan cashar lama’illaawaan ah ka bartay dameer baxdow ah. Wax aannu isu bedbeddalaynnay fuulista dameerkaa, dabadeed kolkii kalkaygii la soo gaadhay ee aan fuulay dameerkii orod ayuu cagaha wax ka dayay oo sogsog noo dhowayd i la dhex galay. Inta uu madaxa foororiyay ayuu i la biqleeyay si uu isaga kay rido, waanan ka dhacay oo sogsogtii baa wejiga iga diiratay saaxiibbadayna waan ku hor fadeexadoobay. Dadka reer Afrika isla sida reer Aasiya wax ay lee yihiin dareen fog oo ku saabsan sharafta qofka, ama wax ay shiinuhu u yaqaannaan “wejiga”. Imika haddaba saaxiibbaday waxaa igaga dhacday weji xumo. In kasta oo wax aan ka dhacay uu dameer uun ahaa wax aan bartay dhadhanka xanuunka qofka la bahdilo sida ay u arxandaran tahay isla markaa ay tahay wax aan loo baahnayn. Taa darteed aniga oo kuray ah ayaan bartay qofka aannu is’haynno in aan ka guulaysto aniga oo aan milgaha iyo maamuska ka qaadin.

Badanaa wiilashu gooni ayay u ciyaari jireen, waa se ay dhici jirtay in aannu hablahayaga u oggolaanno in ay na la ciyaaraan. Ciyaaraha ay wiilasha iyo gabdhuhu wada dheelaan waxaa ka mid ahayd dhuumaalaysi iyo beratan, wax aan se ugu jeclaa dheel la yidhaahdo “khetha” oo macnaheedu yahay dooro-ka-aad-jeclaato. Ma ahayn ciyaar habaysan oo la sii qorsheeyo ee wax ay nagu dhalan jirtay uun kolka aannu koox hablo ah hareeraynno dabadeed ku khasabno mid waliba in ay doorato wiilka ay ka hesho. Xeerka ciyaartaasi wax uu dhigayay in doorashada gabadha la xaqdhawro oo ka ay doorato ee nasiibka lihi meesha u socoto u sii gelbiyo. Gabdhuhu aad ayay u maskax badnaayeen – aad ayayna nooga fariidsanaayeen annaga wiilasha ah ee madax buurrada ah – waana ay ka wada tashan jireen sida ay noo ka la dooranayaan, iyaga oo la bixi jiray ka noogu foolxun dabadeed inta uu guriga u sii gelbinayo ayay caajis ku dili jireen.

Ciyaarta ay wiilashu ugu jeclaayeen waxaa la odhan jiray “thinti” waana ta ciyaaraha oo dhan ugu eg dagaalka. Laba qori oo gool ahaan ah ayaannu dhulka ka qotomin jirray in isu jirta ilaa soddon mitir. Dabadeed inta aannu laba kooxood oo isla’eg isu qaybinno ayaannu qoryo ku tuuri jinyay qoriga kooxda kale si uu u dhaco. Koox waliba goolkeeda ayay difaacdaa oo qoriga ay qolada kale ku tuurtay dib u soo qaadataa. Markii aannu yara weynaannay wax aannu qaban jirnay tartan ciyaartaas ah oo aannu la yeelanno wiilasha tuulooyinka kale ee deriska na la ah, kooxdaa noogu wanaagsanaatana aad baa loo weynayn jiray waana loo dabbaaldegi jiray sidii saraakiil dagaal weyn ku soo guulaysatay.

Kolka aannu ciyaarta dhammaysanno wax aan aadi jiray karaal-ka hooyaday oo ay hooyo cunto diyaarin ku foogan tahay. Aabbe wax uu nooga sheekayn jiray dagaallo caan ahaa iyo geesiyadii dadka Xhosa, hooyana wax ay si yaab leh noogu meerin jirtay qisooyin taariikho hore, sheeko xariiro iyo sheeko xayawaan awow ka awow soo taxnaa. Sheeko xariirooyinkaasi wax ay nafaqayn jireen khayaaligayaga carruurnimo caadi ahaanna waxaa ku jiray farriimo anshax oo muhiim ah. Wax aan xusuusan ahay mid sheekooyinkaa ka mid ahayd kuna saabsanayd nin socdaal ah oo la kulmay islaan gabowday oo labada indhood xabbajo iyo qudhun dabooleen. Ninkii socdaalka ahaa ayay kaalmo wayddiisatay, isaguna inta uu wejiga ka dadbay ayuu iska dhaafay. Nin kale ayaa dabadeed meeshii soo maray oo ay isagana ka codsatay in uu indhaha u maydho. In kasta oo ay ahayd qudhun iyo yalaalugo haddana sidii ay wayddiisatay ayuu u yeelay. Dabadeed si mucjiso ah ayay indhaheedii u qolof dhacsadeen wax ayna noqotay gabadh dhallinyar oo qurux badan. Ninkii baa dabeed guursaday oo ku barwaaqoobay kuna badhaadhay. Waa sheeko yar laakiin dhambaalkeedu weligii wuu jiraa: falka gobannimada leh iyo deeqsinnimadu abaalgudkooda waa ay helaan, laakiin ma ogaan karro sida abaalgudkaasi ku imanayo.

Sida carruurta dadka Xhosa oo dhan wax aan wax ku bartay fiirada. Waxaa na looga fadhiyay mar walba in aannu dadkayaga kale ku dayanno oo isu ekaysiinno, mana ahayn in aannu hadal soo celinno. Markii kowaad ee aan guri caddaan booqday waan la yaabay waxa ay carruurtu waalidkood su’aal wayddiinayaan – iyo sida joogtada ah ee ay waalidku diyaarka ugu yihiin in ay u jawaabaan. Xaggayaga wayddiimaha waxaa loo arkaa madaxwareerin, waayeelkuna wax ay wax iswayddiiyaan uun haddii ay lamahuraan tahay.

Noloshayda, sida dadkayga kale oo dhanba, waxaa qaabeeyay caadooyin iyo waajibaad dhaqameedyo joogto ah, iyo wax xaaraan ah oo aan la soo hadalqaadin. Sidaas ayay noloshayadu u dhisnayd bilaw ilaa dhammaad, weligeedna wayddiin laga ma keeno. Raggu wax ay ku wada joogeen waddadii dhaqanka ee aabbayaashood bixiyeen, dumarkuna wax ay ku nool yihiin isla noloshii hooyooyinkood. Iyada oo aan cidina wax ii sheegin ayaan la falgalay xeerarka adadag ee xidhiidhka ragga iyo dumarka. Wax aan bartay ninku in aanu geli karin aqal ay dhowaan haweenay ku ummushay, iyo gabadha la soo guursadaa in aanay geli karin kraal-ka gurigeeda ilaa horta loo sameeyo xaflad dhaqameed weyn oo aad looga shaqeeyay. Wax aan kale oo bartay awowyadii dhintay oo la xusi waayaa in ay qofka u keento ayaandarro iyo guuldarro nololeed. Qofka awowyada caayaa waxa qudha ee uu dembigaa kaga toobad keeni karaa waa in uu u tago geedagooyaha ama odayga tolka ugu da weyn kaas oo la xidhiidhi yaqaanna maytida una gudbin kara qofka dembaabay cabashadiisa. Arrimahaas oo dhami aniga wax ay ii ahaayeen wax dabiici ah.

You must be logged in to post a comment Login