Madaxweyne Siilaanyo oo markii ugu horreysay caddeeyey inaanay jirin Cid uu si gaar ah u wato oo KULMIYE ka tirsan

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay caddeeyey inaanay jirin cid uu si gaar ah u wato oo ka tirsan KULMIYE, isla markaana aanu Musharrax gaar ah oo uu taageersan yahay jirin.

SIILAANYO IYO KULMIYE

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay kulan uu maanta qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa kula yeeshay Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo khilaaf xooggani ka dhex-taagnaa maalmihii u dambeeyey. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf.

Qayb ka mid ah War-Saxaafadeedka Xoghayaha guud kaga hadlay qodobbada ay Madaxweynaha iyo Madaxda Kulmiye isku af-garteen in khilaafka taagan lagu xalliyo, ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku caddeeyey inaanu dhinac gaar ah iyo cid gaar ah oo uu wato ama taageersan yahay jirin, waxaana qaybta War-Saxaafadeedka ee lagaga hadlay doodda Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey Madaxda KULMIYE ee dhinaca taageerada, waxa ay u dhignayd sidan:-

“Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.”

Waa markii ugu horreysay ee sidan oo kale Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hadal uu Madaxda Xisbiga KULMIYE ee uu Guddoomiyaha ka ahaa muddada dheer ugu muujiyo inaanu dhinac uu taageersan yahay iyo cid uu gaar u wataa jirin ay Warbaahinta u soo gudbiyaan Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka KULMIYE.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.