Maayerka Hargeysa oo kulan la yeeshay Wefti uu hoggaaminayo Dhiggiisa Magaalada Turku ee Filand

Hargeysa,(Aftahannews):- Maayarka Caasimada Hargeysa magaaladda Md.C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaada qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland, kadib markii uu booqasho ku yimid dalka.

u_114881d_2013-11-2-18-46-39f_tttt

Weftigan ka socda dawlada Finland ee uu hogaaminayo Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland :Seppo Lehtinen ayaa waxay ka kooban yihiin sadex xubnood, kuwaas muddada ay dalka joogaan booqan doona qaar ka mida degmooyinka Sonaliland, isla markaana waxay sheegeen inay Xidhiidh wada-shaqeynayd la yeelan doonaan Golayaasha Deegaanka Somaliland Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO).u_114881d_2013-11-2-18-46-39f_tttt

kadib markii uu kulankaasi la yeeshay Weftiga ka socda dalka Finland ayaa waxa Warbaahinta uga waramay u-jeedada Weftigani u socdo iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen,waxaanu yidhi“Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilnay Wefti ka socda waddanka Finland,oo ah saddex xubnood, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Ahna Maayarka Magaaladda Turku oo ah magaalo qadiimiya oo ah Caasimadii hore dalka Finland.

Waa magaalo sideed boqol oo sanno ka hor la dhisay, waxaanay sanadkii 2012 noqotay magaaladda dhaqanka ee waddamadda Yurub” Cabdiraxmaan SOLTECO isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Weftigan waxa la socda Rooda Xasan oo ah reer Somaliland,oo iyaduna hore u ahayd maayar ku xigeen ka magaaladda,imika xubin ka ah Golaha Deegaanka Magaaladda, iyo gabadh ka socota Green Party midowga Yurub oo iyaduna arrimaha dibadda kulan la yeelatay,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan aad uga mahad-celinayaa Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo nagala shaqeeyey hawshan baddankeedda, waana markii ugu horeeyey ee Somaliland uu yimaado maayar ka socda waddamada Yurub wax baddana waanu ka wada-hadalnay, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mida in aanu xidhiidh fiican wada yeelano Somaliland iyo Finland, isla markaana naga gacan-siin doonaan sida Qashinka loo maamulo iyo Biyaha”.

Mar uu Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ka hadlayey muddada ay Somaliland joogaan Weftigan uu hogaaminayo Maayarka Finland, ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo ay soo eegi doonaan muddada ay Weftigani joogaan Degmooyinka waddanka,Waxaanay naga balanqaadeen inay waddankeena u noqon doonaan marin si adduunka siyaasad ahaan inooga caawiyaan, kulankayaguna warbaahinta wuu u furmaa waxayna naga caawin doonaan in xidhiidh la yeelano waddamada Yurub.”

Maayarka magaaladda Turku ee dalka Finland Md.Seppo Lehtinen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo booqdaan Somaliland, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhex maro, isagoo Maayarkana ku booriyey inuu Samir,dadaal iyo waxqabad la yimaaddo si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo. Sidoo kale, waxa isaguna goobjoog ka ahaa kulankan Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose Mawliid Cabdilaahi Weris.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.