Madaxweyne Siilaanyo oo si Geed-sare-waab ah u uga hadlay Khilaafka ka dhex qarxay Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si geed-sare-waab ah uga hadlay khilaafka cakiran ee toddobaadkii hore ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ballan-qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono haddii la keeno caddaymo muujinaya in Wasiir Xukuumaddiisa ka tirsani ka qayb-qaatay ololaha khilaafka dhaliyey ee Xisbiga kala qaybiyey.

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxa uu sidaa ku sheegay kulan uu maanta qasriga Madaxtooyada kula yeeshay hoggaanka sare ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, kaasoo lagaga wadahadlay khilaaf cakiran oo maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Xisbiga, kaasoo ka dhashay go’aan ay 15 Xubnood oo ka tirsan Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigaasi ku doorteen hoggaan oo Xisbigu ku qaybsamay.

Kulankaas waxyaabaha lagaga wadahadlay iyo qodobbada la isku afgartay waxa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta dhexe ee KULMIYE, kaasoo uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas caawa soo baxay u dhignaa sidan:-

“UJEEDDO: KULAN DHEXMARAY MADAXWEYNAHA IYO HOGGAANKA XISBIGA:-

Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ah sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, afarta Guddoomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, waxa si buuxda la isula qaatay in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira, isla markaana laga midho-dhaliyo qabsoomida shirweynaha xisbiga KULMIYE.

Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la isku afgartay qodobadan hoos ku qoran;

1.         Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.

2.         Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.

3.         Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4.         Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

5.         Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya. ALLAA MAHAD LEH.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.