Masuuliyiin ka tirsan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo London ku kulmay

London(Aftahannews):- Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha dibedda iyo Madaxtooyada Somaliland oo uu weheliyo Wakiilka Ingiriiska u fadhiya Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabbilsan dawladda Ingiriiska, kuwaasoo ka wadahadlay arrimo kala duwan oo door ah.

Meeting-3-300x225

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ay Masuuliyiinta Somaliland ka socday soo saareen oo lagu baahiyey Mareegta uu internet-ka ku leeyahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxay labada dhinac ka wadahadleen inay xoojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya, isla markaana kor u qaadaan arrimaha ay sida gaarka ah uga wada-shaqeeyaan ee ammaanku ka midka yahay. Waxaanu warkaasi u qornaa sidan:-

“Waxay ahayd Khamiistii 30/10/2013, ka dib markaan aniga Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya dalkan UK Amb. Cali Aadan Cawaale kulan saacado badan qaatay aan la yeelanay Wasiirka Afrika u qaabilsan UK Mr Mark Simmonds,”ayuu ku yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan dalka Ingiriisku, war-saxaafadeed uu ka soo saaray kulan ay khamiistii isaga iyo Wasiirka Khaarajigu kula kulmeen Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska.

War-saxaafadeedkaasi oo lagu baahiyay mareegta Internet-ka uu Wasiirka Madaxtooyadda ee guusha.com, waxa u dhignaa sidan:-

Kulankan oo ka dhacay wasaarada khaarajiga FCO Office, waxaa si aad ah ugu lafo gurnay xidhiidhka labada dal iyo labada Shacab ee soo jireenka ah, Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, Farriimaha dhinaca socdaalka ee ay dawlada UK dadkeeda uga gudbiso dhinaca Socdaalada (Travel Advice) iyo guud ahaan Xaalada Mandaqada geeska Afrika.

Kulankan waxaan si faahfaahsan u sharxay in Jamhuuriyada Somaliland ay diyaar u tahay inay kala shaqayso Dawladda Britain arrimaha Ammaanka iyo ka hortaga wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka mandaqada, waxaanan ka codsaday in Britain ay hormood ka noqoto Aqoonsi ay Somaliland hesho, taas oo ah xaq ay leeyihiin Ummada reer Somaliland, dunidana laga sugayo inay garawsadaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi ayaa dhankiisa si qoto dheer uga hadlay Taariikhda, Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxaana uu faah-faahin ka bixiyay in Xornimada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, waxaana uu tilmaamay waxa u qabsoomay reer Somaliland 22-kii sannadood ee la soo dhaafay.

Waxa kale oo Wasiirku si cad u bayaamiyay in ujeeddada ay Somaliland ka leedahay wada-hadallada ay Somalia la waddaa tahay sidii ay si nabad ah ugu kala bixi lahaayeen una noqon lahaayeen laba Dal oo jaar ah.

Waxa kale oo uu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ka hadlay in farriimaha Wasaarada Arrimaha Dibada UK ay ugu digto dadkeeda ee khuseeya Somaliland aanay ahayn qaar sax ah, Jamhuuriyadda Somaliland-na ay tahay Dal nabad ah oo feejigan, ammaankiisuna uu sugan yahay, waxaana uu Wasiirku sheegay in Fal argagixiso oo Somaliland ka dhacaa ay ugu danbaysay sanadkii 2008, waxaana uu codsaday in shabakadda Wasaaradda arrimaha dibadda Britain (FCO website) laga saaro farriimahaas khaldan, kuwaas oo caqabad ku ah Maalgashadeyaasha Somaliland danaynaya, waxaana uu xusay in Ciidamada Ammaanka iyo Shacbiga oo iskaashanayaa ay habeen iyo maalinba heeggan u yihiin ilaalinta Ammaanka Somaliland, waxa kale oo uu xusay wasiirku in Aqoonsi Somaliland la siiyaa uu Nabadgelyo u horseedi doono geeska Afrika

Wasiirka Afrika u Qaabilsan UK Mudane Mark Simmonds ayaa sheegay inay Britain xushmaynayso xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leedahay Somaliland isla markaana aanay sinaba uga hor-jeedin Somaliland.

Wasiir Simmonds waxa kale oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Wasaaraddiisa iyo Somaliland isla eegaan arrinta “*travel advice*” ka sidii wax looga beddeli lahaa loona waafajin lahaa xaqiiqada ka jirta Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay guddi labada dal ka socotaa ka soo shaqayso wax ka beddelka farriinta u socdaalka Somaliland, arrintaas oo ay soo dhaweeyeen.

Waxa kale oo uu Wasiir Simmonds naga aqbalay in aan UK London ku qabano shir lagaga hadli doono sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa (Somaliland investment conference) kaas oo ay labada dal iyo qurba-joogga Somaliland ka wada shaqayn doonaan diyaarintiisa.

Dhinaca kale waxaanu kulan kula qaadanay guriga caanka ah ee *Chatham House*, aqoon yahanno, professor-ro, saxafiyiin, siyaasiin, safaarado iyo masuuliin ka socday,laamaha kala duwan ee dawladda Britain, halkaas oo aan ku soo bandhignay war-bixin ku saabsan qaddiyadda Somaliland maraaxilkii ay soo martay ee kala duwanaa iyo himilada qaranka Somaliland ee ah inay helaan aqoonsi caalami ah.

Wa Bilaahi Tawfiiq.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.