Somaliland: Wasiir ka Hadlay Dagaal Dhex Maray Xaafado ku yaala Badhan oo Hal Qof ku dhintay

Hargeysa(Aftahannews):- BADHAN (Somaliland.Org):-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somailand C/salaan Maxamed Xasan ayaa ka hadlay dagaal gacan ka hadal ah oo Khamiistii doraad dhex maray qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee degan xaafaddaha magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag Barri.kaasi oo uu hal qof ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

C/salaan Maxamed Xasan oo xalay telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in arrinta shaqaaqada dhex martay xaafadahaasi wada degan magaaladda Badhan uu ahaa mid dhex maray ciidamo hubaysan, sida ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyaddu.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaanu yidhi “waxaa dagaalamay ciidan ma aha ee waa bulshada degan magaaladda Badhan dadka degan xaafado ka mid ah, waana dagaal xaafadeed, dumar islaayay dhagax iyo biro ayaanay isku adeegsadeen, qof dumar ah ayaana ku dhimatay, saddex kale ayaana ku dhaawacmay oo laba ka mid ah dhaawacoodu adag yahay midna uu fudud yahay”.

Waxa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in aanay waxba ka jirin wararka sheegayay in dagaalkaasi gacan ka hadalka ee dhex maray dadkaasi shacabka uu ahaa mid dhex maray ciidamo ama maleeshiyooyin, sida ay u dhigeen qaar ka mid ah wargeysyaddu, isla markaana aanu wax siyaasad ah ku lug lahayn balse uu ahaa mid dhex maray xaafado magaaladaasi wada degan. “dagaal siyaasadeedna ma aha mid qabiilna ma aha, dagaal ay rag dagaalameena ma aha, ee waa dagaal xaafadeed sida dadkeena ka dhex dhacda, dadka dagaalamayna dhamaan waa dumar. Dagaalkana weji kale ma laha. arrinta sax ma aha sida waxa uga qoreen wargeysyaduna ma aha ciidamo meesha ku dagaalamayna ma jiraan waa dagaal xaafadeedyo ka dhex dhacay dadka shacabka ah” ayuu yidhi C/salaan Maxamed Xasan.

C/salaan Maxamed Xasan, waxa kale oo uu tilmaamay in xalinta arrintaasi ay hada gacanta ku hayaan waxgaradka magaalada, maamulka gobolka iyo ka degmadu, isla markaana gabadh ku dhimatay dagaalkaasi gacan ka hadalka ah in la isla gartay in la aaso, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waa lagu jiraa sidii loo xalin lahaa oo odayaashii magaalada iyo dadka magaalada, maamulka gobolka iyo ka degmadu way ku hawl galeen, waxaanu la hadalnay odayaasha iyo isimada magaalada iyo wxgaradka arrinkana hada gacanta ayaa lagu hayaa, waxaanan ogahay in gabadha dhimatay galabta lagu aasay Badhan, wx gacanta ka baxayna ma jiro”.

Xigasho Wargeyska Dawan.