Dawladda Ethiopia Oo Dadkeeda Ka Mabnuucday Inay U Shaqo Tagaan dalalka Dibedda

Addis Ababa(Aftahannews):- Dawladda Ethiopia, ayaa dadkeeda ka mabnuucday in ay shaqo raadis ugu baxaan dalka dibeddiisa, ka dib markii ay heshay warar sheegaya in dadka Itoobiya u dhashay ee dibedaha u doonta shaqooyinka oo intooda badani dumar yihiin lagula kacay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha.

4e944649fd2

Wasaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa maanta baahisay in dalkaasi ay xayiraad ku soo rogtay dadkeeda u socdaalaya wadamada dibedda, kuwaas oo ay sheegtay in loo geysto dhibaatooyin ay ka mid yihiin jidh-dil, midab takoor, in mushahar hooseeya ay ku shaqeeyaan iyo arrimo kale, sida aannu ka soo Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay jiraan wakaalado dibedeed oo badan oo ku qalqaaliya dadka Itoobiya in ay dibedda shaqo u doontaan. “Shirkado badan ayaa ku guubaabiya Itoobiyaanka in ay dibedda ka shaqaystaan si sharci darro ah waana xaalad xun.” ayaa lagu yidhi warka ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya, kaasoo isaga oo luuqadda Ingiriisida ku qornaa, balse ay Shaqaalaha Aftahannews luuqadda Soomaaliga ku turjumeen.

Waxaanu warkan ay Aftahannews turjuntay intaas ku daray oo lagu yidhi; “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadu waxay sheegtay in illaa 200,000 Dumar ah ay waddanka ka baxeen sannadkii tegay iyagoo shaqo-doon ah, intooda badanina waxay tageen Bariga Dhexe.” Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda oo lagu magacaabo Dina, ayaa sheegay in dawladdiisu ay qaadayso tallaabooyin ay wax kaga qabanayso arrinta.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay samaysay dedaallo wacyigelin ah oo dadka loogu sheegayo khatarta tahriibka sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dadka si ay dadkeeda uga badbaadiso khatarta ka ganacsiga dadka ee sharci darrada ah.

Dadka Itoobiya u dhashay ayaa ka mid ah kuwa ugu badan tahriibka sannadahan dambe, kuwaas oo dhibaatooyin badan kala kulma safarada ay galaan, iyo marka ay gaadhaan halkii ay ku socdeen. Wadamada Carabta oo ah halka ay intooda badani u safraan, ayaa la sheegay in ay tacadiyo badan kala kulmaan, kalaas oo qaar badani ay ku jiraan jeelasha.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.