Hay’addaha Qaramada Midoobay oo sheegay Inay Dhimayaan Raashinkii La Siin Jiray Qoxootiga ku Jira Xeryaha Dhadhaab

Kenya(Aftahannews):- Hay’adaha cunada Adduunka u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee WFP iyo hay’adda qoxootiga Adduunka ee UNHCR ,ayaa sheegay inay dhimayaan raashinkii ay siin jireen dadka Qaxoontiga ah eek u jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ka dib dhaqaale yaraan soo food saartay.

Afhayeen u hadashay WFP, ayaa sheegtay in dhaqaale la’aan awgeed ay u qaateen go’aankan, iyadoo xustay in dalalkii qaadhaanka  bixin jiray in aanay  ka helin dhaqaale ku filan caawinta qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

“Sababta ugu weyni waa lacag la’aan, bil walba waxaan siinnaa qoxootiga raashin dhan 10-kun oo mitirik-tan oo raashin ah, taasoo ay ku kici jirtay bil walba 10,000 oo doollar, khasab ayayna nagu tahay inaan dhinno,” ayay tidhi afhayeenka oo lagu magacaabo Jerred.

Sidoo kale, afhayeenku waxay sheegtay in dadaal badan ay u galeen sidii arrintan looga baaqsan lahaa, balse ay khasab ku noqotay, kaddib markii ay ku adkaatay inay helaan  dhaqaalihii ay  u baahnayn ee  ay ku caawin lahaayeen qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ayaa  bil walba laba jeer waxaa la siin jiray raashin, iyadoo qoxootigu ay sheegeen in raashinka ay bishiiba ka helaan hay’adaha gargaarkaaanu  ahayn mid ku filan.

“Tani waa mid aan si KMG ah u dhimanyno inta dhaqaale laga helayo dalalka qaadhaanka  bixiya, waayo? waxaan doonaynaa inaan raashinka aan haynno aan gaadhsiinno qoxootiga labada bilood ee soo socda ee November iyo December waayo? haddii aanu yareyn wayno  gargaarka ma gaadhsiin karno qoxootiga,” ayay mar kale tidhi afhayeenka u hadashay Hay,adda WFP.

Dhanka kale, Madaxa guddiga gargaarka ee xeryaha qoxootiga, Cabdiqaadir Xuseen Buulle ayaa sheegay in qoxootiga ay walaac xooggan gelisay hadalka kasoo baxay hay’adaha gargaarka, isagoo sheegay in markii horeba ay aad u yaraayeen gargaarkii ay heli jireen.

“Qoxootigu waxay bishiiba qaadan jireen gargaarka hay’adaha laba jeer, iyadoo mar walba la siin jiray 3-km oo bariis ah ama masago ah iyo bakeeri saliid-caddey ah, taasina ma ahayn mid ku filan, balse kaalmo ayay u ahayd,” ayuu yidhi Buulle.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland