Qiimayn Uu Wargeys Caalami Ahi Ka Sameeyay 129 Waddan Oo Soo Bandhigtay Heerka Musuqmaasuqa Somaliland Kaga Jirto Dalalkaas

Dadka Reer Somaliland Siday uga jawaabeen Su’aasha Qiimayntaa Lagu Weydiiyey?

Is barbar-dhiga horumarka Ay Musuqmaasuqa ka sameeyeen Waddamada Xorriyadda Saxaafaddu Xaddidan Tahay Iyo Fadhiidnimada Kuwo Kale

Washington(Aftahannews/Somalilandtoday):- Wargeyska Gallup, oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka, ayaa sameeyay rayi-ururin la xidhiidha Musuqmaasuqa ka dhaca waddammada Adduunka ee ku kala yaal Qaaradaha Afrika iyo Yurub, waxaana dalalka Afrika ee uu rayi-qaadista ka sameeyay ka mid ah Somaliland oo kaalin fiican ku jirta heerka musuqmaasuqa ka jira marka loo eego dalal badan oo kale.

Wargeyska oo rayi-qaadistaasi ka sameeyay War-bixin xiiso badan oo uu ku soo bandhigay dalalka Adduunka ugu musuqmaasuqa badan, isla markaana ay ka jirto Saxaafad xor ah iyo weliba dalalka horumarka ka sameeyay la-dagaallankiisa ee ay xorriyadda Saxaafadda ka jirtaa xaddidan tahay, ayaa mid mid u soo bandhigay waddammadaasi, waxaana Muwaaddiniinta dalalkaasi uu Wargeysku weydiiyey hal su’aal oo isku mid ah, taasoo nuxurkeedu yahay; “Musuqmaasuqu dawladdaada Miyuu ku baahay, Mise Maya?.”

Waxaana dadka waaweyn ee su’aallahaasi ka jawaabay oo Wargeysku ugu horreysiiyay Jamhuuriyadda Czech ay gaadhay 94%, taasoo ka dhigan in musuqmaasuqu faraha ka baxay, halka dadka reer Sweden ee su’aashan ka jawaabay ay 14% sheegeen in musuqmaasuq dawladooda ama dalka-ba ka jiro, taasi oo muujinaysa in ku dhaqanka musuqmaasuqu ku yar yahay dalkaasi.

Dalalka Wargeysku rayi ururinta ka sameeyay Musuqmaasuqa Xukuumadaha ka dhisan ka jira, gaar ahaan dalalka Afrika qaarkood, ayaa musuqmaasuqoodu si aad ah kor uga kacay sidii ay ahaayeen sannadkii 2007, waxaana dalalkaasi soo raaca oo aad hoos uga dhacay dedaallada la-dagaallanka musuqmaasuqa dalka Georgia, kaasoo 25% uu ka kordhay musuqmaaasuq halkii uu taagnaa sannadki 2007-da.

Dhanka kale, dalalka Afrika ee shacabkoodu su’aalihii laga weydiiyey jiritaanka Musuqmaasuqa ay kaga jawaabeen in tiro ku dhow boqolkiiba boqol uu musuqmaasuqu ragaadiyey, ayaa waxa ka mid ah, Kenya, Tansaaniya, Nigeria, Uganda, Malawi, kuwaasoo dhammaantood shacabka arrintaasi la weydiiyey ay ku jawaabeen inta u dhaxays 88% illaa 95% ay sheegeen in musuqmaasuqu dalalkooda ka jira, taasoo ka dhigan in musuqmaasuqa dalalkaasi ka jiraa uu xadhkaha goostay, waxaana sida Wargeysku ka soo xiganayo Baanka Adduunka ay dalalkaasi ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa, isla markaana sameeyaan hannaan lagula dagaallamo.

Hase-ahaatee, dalalka Afrika iyo kuwa ka baxsan ee musuqmaasuqa ka jira uu intaasi ka hooseeyo, ayaa waxa ka mid ah Sri lanka oo dadkii su’aasha Musuqmaasuqa la weydiiyey ay 64% ka mid ahi sheegeen in musumaasuq ka jiro dalkooda, taasoo ka dhigan in 64% uu musuqmaasuqu ka marayo dalkaasi, halka rayi-ururinta shacabka ee musuqmaasuqa laga sameeyay uu dalka Turkiga oo ka mid ah dalalka Islaamka ah ee ugu dhaqaalaha badan dadkii su’aashaasi la weydiiyey ay 50% ka mid ahi ay caddeeyeen in musuqmaasuq ka jiro dawladda Turkiga.

Balse rayi-ururintan oo Wargeyska Gallup ka sameeyay Somaliland, ayaa shacabkii la weydiiyey in dalka ama dawladda uu musuqmaasuq ka jiro 39% ay sheegeen in musuqmaasuq jiro, taasoo sida Wargeysku sheegay ka dhigan in 39% uu marayo musuqmaasuqa ka jira Somaliland.

Wargeyska shacabka dalalka Adduunka weydiiyey aragtidooda musuqmaasuqa dalalkooda ka jira, ayaa sidoo  kale war-bixintiisa raaciyey in dalalka adduunka ee xorriyadda Saxaafaddu xaddiddan tahay qaarkood ay horumar ka sameeyeen musuqmaasuqa, halka dalalka Somaliland ku jirto ee Saxaafaddoodu xorta tahay musuqmaasuqa ka jiraa halkaasi marayo.

Wargeyska Gallup, ayaa rayi-qaadistan ka sameeyay 129 dal oo adduunka ah, ayaa sheegay in shacabka 108 dal oo ka mid ahi ay sheegeen in musuqmaasuqu caadi ka yahay dawladahooda, isla-markaana uu aad ugu baahay oo uu xadhkaha goostay.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.