Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiiradda Somaliland oo u baaqday khilaafka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkii Golaha Wasiiraddu is-kugu iman jiray maalinta khamiista oo ku beegnayd shalay, ayaa waxa galaaftay qaraxii ka dhex-curtay garabyada ku hirdamaaya  kala jiidashada xubnaha shir-guddoonka u noqon lahayd Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha  fooda inagu soo haya ee Xisbi-xaakimka Kulmiye.

shirkii-Wasiiradda-21

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xalay Weriye ka tirsan Shabakadda wararka ee Aftahannews u xaqiijiyay in shirkii khamiista  ee Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isugu iman jireen Madaxtooyada uu u baaqday khilaafka xooggan ee ka dhex-aloosan  Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenk Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle.

Tallaabada lagu doortay shir-guddoonka Guddida qaban-qaabada shir-weynaha Kulmiye iyo inay ka dhacdo goob ka baxsan Xisbiga Kulmiye waxay ka dambaysay markii shalay albaabada loo laabay xarunta guud ee xisbiggaas. Guddigii qabanqaabada shir-weynaha Xisbiga Kulmiye ee shalay abaaro tobankii subaxnimo isugu yimi xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, taasoo ujeedadoodu ahayd sidii ay isaga dhex-dooran lahaayeen Guddoomiyihii, ku-xigeenkii, Xog-hayaha iyo af-hayeenkii hagi lahaa shirka Xisbiga.

Waxay ila-wareedyada Aftahannews soo xiganayaa sheegayaan in markii Guddigu isugu timi xarunta Xisbiga uu kulankaa hadheeyay khilaaf, ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo ku-xigeenkiisu ay ku kalsoonaan waayeen una arkeen inay ku guul-daraysanayaan helida Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada shir-weynaha Xisbiga, isla markaana ay taasi ku keliftay Hoggaanka Kulmiye inay albaabada ka xidhaan kulanka gudida qabanqaabada. Sidoo kalena waxa la sheegay ay dhalinyaro rabshado ka hor-sameeyeen xarunta xisbiga, taasina ay keliftay in lagu kala dareero oo guddidii qaban-qaabadu fadhiistaan meel kale oo ay isku doortaan.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha Xisbi-xaakimka loo xulay inay soo diyaariyaan ergada ka qayb-galaysa shirka ayaa talaabadaas kaga jawaabay inay  kulan doraato gelinkii dambe ka dhacay guri ku yaala magaalada Hargeysa, waxa ka soo xaadiray 15 xubnood oo ka mid ah 27-kii xubnood ee loo doortay gudida qabanqaabada shir-weynaha xisbiga Kulmiye, isla markaana ay ansixiyeen Gudida Fulinta ee xisbigaas, ayaa shaaca ka qaaday inay doorteen Hoggaankooda oo ka kooban afar xubnood oo kala ah, Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen. Isla markaana goobta doorashadu ka dhacaysay waxa ka maqnaaday 2 xubnood oo iyagu dibada ku maqan iyo 10 xubnood oo aan soo xaadirin.

Sidoo kale waxay wararku intaas ku darayaan in wax xala oo laga gaadhay qaraxan ka dhex-qarxay Xisbigii hoggaanka dalka hayay aanay jirin, isla markaana garabyada khilaafka siyaasi ka dhaxeeyo ay sii kala fogaanayaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.