Caddaaladii waa dayreel, xaggee baan u doonaa?

Xildhibaan Ifraax Cali Kirix……Asc.Dhamaan waxaan salaanta islaamka ku salamyaa saxaafada u heeganka ah mar kasta inay soo gudbiyaan fikirka saliimka ah.

 

Intaa  kadib  dhamaan  umada somaliland meelkastooy joogaan gudo iyo dibadba waxaan usoo gudbinaya salaan. intaa ka dib waxan manta qalinka u qaatay inaan ka hadlo xaqdarada waxa laga dhaxlaa ma fiicna.

xildhiban-ifrax-335x300

Horta qofka wax fiican bulshadiisa u soo qabtay in la yidhaa waad mahadasan tahay mooye in tacadi iyo fadeexad loo gaysto ma wanaagsanataas oo aan uga jeedo xadhiga lagula kacay marwo Luul Xasan Mataan oo ah marwo sharaf leh mar kastena u heegan ah dadkeena jilicsan inay wax tarto.

waynu ognahay Luul Xasan  Mataan  waxay ahayd  asaasihii  xarunta  darbi jiifka iyo dhaqan  celiska  mudo  dheer baa Luul  iyo dumar  kale  oo ay  ku  jirtaa  ay u tafo xayteen siday caruurta darbiyada, dooxyada  iyo  dariiqyadaba  seexda ee dhaxanta  iyo  dabayshu ba ka u tahay  wehelka ee ay ka muuqto darayadu ama daranyaysan  ay uga ururin lahayeen  wadooyinka  meel walba  way u galeen sidii caruurta goob ku haboon  ay  ugu sameyan  lahayeen dumarkaas oo ay hormood ka yihiin  marwo Fadumo Siciid iyo Luul Xasan Mataan Allena  swt  waa la garab galay waxay gacan ka heleen shirkadeheena  wadaniga ah iyo dawaladii markaas jirtay ee UDUB madaxweyanahana  uu ka ahaa  mudane  Daahir Rayaale Kaahin caruurtii  waxa loo dhisaya goob adeega bulshadu ay u dhamys tiran tahay sida.

1. waxbarashadii

2.cafimaadkii

3.tarbiyadii islaamka

4.quutal daruurgoodii.

intaas  dumarkaas  iyo haydaha  calaamka iyo  dawladii wakhtigaas jirtay baa dusha u ridatay  hadaba  marwo-dii intaas dhabarka u ridatay ee bad walba iyo mushkilad  kasta  kala  soo dabaalatay in maanta sife sharci daro ah lagu xidhaa waa qalad maanta may ahayn tii jeelka loo dhaadhicin lahaa ee waxay mudnayd in waxay  soo  qabatay  looga mahadceliyo  looguna abaal gudilahaa caruurtaa ay dhaxanta  iyo durxumaday  ay ka xaraysay hadalkaygana  waxan kusoo gunaanadayaa ama waxan ku soo xidhayaa page ka mid ah maanso uu sameyay abwaanka  da.da yar Khaalid Cabdi Yuusuf(Miino) waxanu yidhi.

dibjirkii dariiqiyo daadsanaa

gidaarada ee cid daryeesha iyo

meel uu docayasto garanayan

dabayoocan dhaxantiyo roobku

uu dar dhini jiraya

dumarkii u kacayee diifta

ubadkan haysaa damiirkooda

kicisay dooxii hargeisiyo

magalda daraf ilaa daraf

ka soo daadgureeyee

dugsi ay taganiyodaweeyan

caafimaadiyo dayr dhaxanta

celiyiyo dugsi adag u tagay

hadii manta dumarkii

RRU lagu diray jidh dil

loogu daray xadhig

cadaladii waa dayree

xageebaan u doonaa.