Tahriibayaal Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Saxaraha Niger

Arlit(Aftahannews):- Shaqaalaha gurmadka Niger ayaa helay Meydadka 87 ruux oo tahriibayay oo harraad ugu dhintay Saxaraha ka dib markii ay cillad ku timid Baabuurkii ay ku safrayeen.

Tahriibayaal-12-300x200

Almustapha Alhaken, oo ka tirsan kooxaha bad baadinta ayaa sheegay in Meydadka ay ahaayeen kuwo muddo yaallay, una muuqday in qaarkood qeyb ahaan la cunay. Meydadka ayaa la aamminsan yahay in ay yihiin Tahriibayaal iyo qoysaskooda, waxaana ay u badnaayeen Haween iyo Carruur.

Waddanka Niger ayaa marin u ah dadka Afrikaanka ah ee u Tahriibo Yurub. Tahriibayaasha dhintay ayaa la aamminsan yahay in uu gaadhigu kaga jabay dabayaaqadii bishii September ama horraantii bishan October goobta Meydkooda laga helay.

Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah dadkii Tahriibka ahaa ay dib ugu soo laabteen deegaanka Arlit, si ay uga warbixiyaan dadkii ay kasoo tageen. Alhaken ayaa sheegay in Meydadka ay ku jiraan ugu yaraan 48 Carruur ah. Ma cadda waddammada ay ka kala yimaaddeen dadkaas ku dhintay Saxaraha Niger.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.