Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Soo Dood Laga Yeeshay Siyaasadda Maamul-Daadejinta Magaalooyinka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Maayerrada magaalooyinka dalka qaarkood, waxaana lagaga wadahadlay natiijooyinka ka soo baxay Barnaamijkii Maamul-daadejinta gobollada iyo degmooyinka ee muddada socday iyo sidii loo sii wadi lahaa mustaqbalka.

IMG_0006

IMG_0001

Kulankan ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha uu khuseeyo mashruucani sida waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, Arrimaha gudaha iyo Hawlaha guud oo ay wehelinayeen hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera mashruuca maamul daadejinta degmooyinka.

Munaasabadaasi waxaa warbixino ku saabsan natiijooyinka wejiyadii hore ee mashruuca ka soo jeediyey qaar ka mid ah maayarrada magaalooyinka dalka ee kulanka ka qayb galay, waxana ay sheegeen in uu yahay mashruuc faa’iido badan u leh maamulada degmooyinka iyo dadweynaha Somaliland guud ahaantood, iyagoo ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh in la sii wado mashruucani.

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo gebogabadii kulankaasi saxaafadda la hadlay, ayaa sharraxay ujeeddada kulankaas. “Waxa halkan inoogu soo gabogaboobay shirkii Maamul daadejinta Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay mashruuca la yidhaahdo GPLG ee maamul daadejinta dawladaha hoose iyo Wasaaradaha ay khusaynayso Maamul daadejintu.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Mudane Cabditraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Markaa, halkan (Madaxtooyada) waxa lagu faalaynayey ama lagaga doodayey siyaasaddaasi oo hay’aduhu u qabteen khabiir caalamiya inuu soo dhigo, muddo laba bilood ahna dooddeedu soo socotay ayaanu maanta halkan ku soo dhamaystirnay, taasina waxay noqonaysaa siyaasadda rasmiga ah ee dawladdu ku dhaqmi doonto, siyaasaddaasna waxa la horkeeni doonaa golaha Wasiirada, markay golaha wasiirradu ansixiyaan ayay hawshaasi noqon doontaa, markaas ayay adeegyada dawladda dhexe hayso in kolba sidii suurtogal ah dawladaha hoose loogu dhaweeyo iyo dadwaynaha u baahan.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.