Dacwaddii Madaxweynaha Kenya oo dib loo dhigay

Hegue(Aftahannews):- Dacwaddii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kaga socotay Maxkamadda dambiyada ee Adduunka ee ICC, ayaa dib loo dhigay.

130923090656_kenyatta_maombi_640x360_bbc_nocredit

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dacwadda Madaxwene Kenyatta la dhagaysan doono bisha labaad ee Febraayo ee sannadka 2014-ka, taasoo markii hore u muddaysnayd in la dhagaysto toddobada bisha 11-aad ee sannadkan 2013-ka oo maalmo koobani innaga xigaan.

Dwacwadda Madaxweynaha ayaa la filayay inay billaabato 12-ka bisha soo socota ee Nofembar.

Qareennada Kenyatta ayaa ku dooday in madaxweynuhu looga baahan yahay gudaha dalka, kaddib weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate.

Kenyatta ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay doorashadii 2007-da kaddib.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayay isaguna dacwad taas la mid ah uga socotaa maxkamadda dambiyada ee adduunka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.