Sanka Oo Farta La Geliyo oo Indhaha laMarmartaa Waxay Keentaa Khatar Caafimaad

Wadanka Finland waxa uu ka mid ayahay wadamada waqooyiga Yurub ku yaal ee dhaca dhul-barafleyda aadka u qabow laga soo bilaabo bisha 10aad ilaa 4aad qiyaastii.

963027_661254427248032_1532818249_n

Waa dhul hawadeedu cidhiidhiya oo haragabka iyo xanuunada kale u nugul yihiin iney faafaan, islamarkaana marba xanuuno cusubi ka dillaacaan xilliyada isbedeleya marka loo eego, sida xilli hawadu qoyan tahay iyo xilli ay qalalan tahayba.

Profeesor Ilkka Julkunen ee waaxda Caafimaadka ayaa baadhitaan ku soo saarey, taasoo lagu shaaciyey wargeysyada in sanka oo farta lagaga duufiyo iyo indhaha oo gacmaha lagu xoqaa ay si fudud unugyadu cudurada u qaadayaan taasoo keeneysa is-qaadsiisnimo.

Waxaana si fudud cudurada la isugu gudbin karaa xilliyadan oo kale, waana xilliyada ay dadku u qufac badan yihiin, si cidhiidhsan la isu-dhexgalo, sida meelaha dukaamaysiga, tareenada, dugsiyada. Daraasadu waxay intaa ku dartey in taxadir la yeesho, qofka aadka u qufacaa cudurkiisu qofka kale waxa uu ka soo gaadhi karaa xataa dhawr mitir. Waxayna daraasadu dadka ku boorineysaa iney ku qufacaan maro ama shey kale, gaarahaana marka la is-ag fadhiyo, iyo in loo foojignaado gacmo-maydhista laguna maydho saabuun.

Arrintan ayaa waxa laga dareemaa meelo ay kamid tahay jamhuuriyada Somaliland oo xiligan uu bilaabmayo qaboobihii. Badnaa marka lagaadho xiliga qaboobaha cudurada soo wajaha dadka waxa kamid ah Duri, Sanqalal, iyo cuduro kale oo la nooc ah.

Cabdiqaadir Ismaaciil Askar

Hargeysa/Somaliland.