Dadka Cuna Khudradda Cagaaran waxay ka Cimri-dheer yihiin kuwa Hilibka cuna

Aftahannews:- Sida lagu sheegay cilmi baadhis cusub oo dhawaan la soo saaray dadka sida joogtada ah u isticmaala nuucyada kala duwan ee khudradda cagaaran ayaa ah kuwo inta badan ay yartahay in ay soo food saarto halis xagga caafimaadka ah, islamarkaana ay ka dhimasho yar yihiin marka loo bar- bar dhigo dadka iyagu isticmalaala hilibka.

green-vegies

Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay in khudaar cunayaashu ay ka caafimaad qab wanaagsanyihiin dadka iyagu hilibka u cuna sida waalida ah .

Khuburada soo diyaarisay cilmi baaristan islamarkaana ka tirasan jaamacadda Loma Linda ee gobolka California ee dalka mareykanka ayaa qaba in ay aad u yar tahay khatarta caafimaad ee soo wajahda khudrad cunayaasha .

Cilmi baarayaasha ayaa u kuurgalay in kabadan 70,000 oo kiis intii lagu guda jiray todobaadkii bandhiga daraasadeedkan oo qaatay muddo dhan 6 sanadood iyadoo inta badan ka qeybgalayaashuna ay ahaayeen kuwo si joogto ah u adeegsada khudaarta cagaaran.

Muddadaasi dheer kadib cilmi baarayaashu waxaa ay tilmaameen in ay ogaadeen waxa ay ku qeexeen ogaalka xaddiga khatarta leh ee dhammaan waxyaabaha sababa xaddiga dhimashada dadka 12 % ay aad uga yartahay kuwa isticmaala khudradda marka loo bar bar dhigo dadka kale ee aan iyagu khudaarta isticmaalin.

Natiijada darasaadani ayaa muujisay sidoo kale in cunista badan ee khuraddu ay si aad ah hoos ugu dhigto xaddiga dadka u dhintay xanuunada ku dhaca wadnaha iyo sidoo kale xinjirowga ku yimaada dhuumaha dhiiga qaada ee jirka aadanaha .

Cilmi baarayasha ayaa ugu danbeyntii sheegay in dadkii ka soo qeyb galay daraasadan guud ahaan ay ahaayeen dad waaweyn si aad ahna u jecel in ay guursadaan, kuwo sigaar cabidoodu yartahay islamarkaana in badan sameeya jimicsiga oo weliba muuqaal ahaan dad dhuu -dhuuban oo caato ah.

Hurdada ilmaha oo saameyn ku yeelan karta dhaqankooda

Caruurta la seexiyo xilli isku mid ah habeen kasata amaa maalin kasta ayaa la sheegay in ay ka caafimaad iyo dabeecad wanaagsan yihiin kuwa xilligii la doono la seexiyo oo aanay waqtigoodu xadeysnayn kadib daraasad caafimaad oo la sameeyay.

Daraasad cusub ee la sameeyay ayaa lagu falanqeeyay xiriirka ka dhexeyn kara hurdada caruurta iyo dabeecadahooda.

Yvonne Kelly oo ah madaxa daraasadan cusub ayaa iyadu sheegaysa in isbaddalada aan xadka lahayn ama kala duwan ee caruurta jiifkooda ah ay saamayn weyn ku yeelato habka uu u shaqaynaayo hoormoonada jirkooda,waxaana ay sheegtay Drsadu in isbaddalkaasi ku dhacaya hoormoonadu keeni karaan qallafsanaan ama dabeecad xumo uu qaado ilmaha yari.

Daraasadan ayaa lagu sameeye ilaa 10,000 oo caruur ku dhalay dalka Ingiriiska intii udhexeysay sanadihi 2000 ilaa 2002.

Drsa,Yvonne Kelly   ayaa ku boorisay waalidiinta in ay caruurtooda seexiyaan xilli hore kana ilaaliyaan waxyaalaha madadaalada  ah sida daawashada aflaamta  ama ciyaaraha , mana habboona ayay tiri in caruurta loo shido TVga xilliyada ay dhawdahay hurdadoodu, waxayna ka digtay in xoog loo adeegsado jiifiska ilmaha.

Ugu dambayntii Yvonne Kelly  ayaa sheegtay in tamaam uu noqdo ilmaha xiliiga wanaagsan ee cayiman ama qorshaysan la seexiyo mid jir ahaan iyo maskaxeedba.

Cabdiqaadir Ismaaciil Askar

Hargeysa/Somaliland.