Haweenay Uu Madaxweynuhu Cafiyay Oo Ay Xeer Ilaalintu Ka Hor Istaagtay Qayb Xuquuqdeeda Muwadinimo Ka Mid Ah

Hargeysa(Aftahannews):- Xeer ilaalinta guud ee gobalka Hargeysa ayaa sheegtay inuu fal dambiyeed shan sannadood ahi u yaalo Marwo Nadra Maxamed Jaamac, oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo cafis ku sii daayay ka dib markii ay maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah.

Nadra

Nadra Maxamed Jaamac, oo uu wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ku eedeeyay inay farriimo aflagaado ah ugu dirtay telefoonkiisa gacanta, waxa xukunkaas ay maxkamadu ku riday ka cafiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. “Laga bilaabo taariikhda maanta [01/04/13 wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland go’aansaday inuu cafis gaar ahaaneed u fidiyo Maxbuus Nadra Maxamed Jaamac.” Sidaas waxa dhigayay gunaanadka cafis uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo saaray xeer Madaxweyne, waxaana wakhtigaasba xabsiga laga sii daayay muwaainadaas.

Hase yeeshe Xeer-ilaalinta ayaa cafiskaas madaxweynaha ka dib, waxay sheegtay in muwaadinadan weli u taalo ciqaab ah shan sannadood oo dhaqan celin ah.  Nadra Maxamed Jaamac, waxa ay Geeska Afrika u sheegtay inay waaxda socdaalka Somaliland u tagtay si ay u soo saarato Basaborka Somaliland, balse lagu xidhay warqadda dambi la’aanta, waxaana markii ay xeer ilaalinta u doonatay warqadaas lagu wargeliyay inuu cafiska Madaxweynaha ka dib weli dambi ka yaalo hay’adaha garsoorka. Qoraalka lagu sheegay fal dambiyeedka Nadra u yaala  oo nuqul ka mid ah uu Geeska Afrika helay, waxa ku saxeexan Axmed Cismaan Mire oo ah ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Maroodi Jeex, waxaanay soo baxday 24/10/2013. “Waxa u yaal fal dambi ciqaab ah oo lid ku ah qodobka 268 (2) XCG, oo looga xukumay 8 bilood oo xadhig ah 12/2/2013 MGH/DDL/50/13, laguna sii daayay cafis gaar ah oo Madaxweynaha Ref/JLS/M/Xeer/249-1682/042013 ee 1/4/013 oo u baahan shan sanno oo dhaqan celin ah sida ku xusan qodobka 260 ilaa 270 XHC.”

Waxa la isweydiin karaa nooca uu ahaa  cafiska uu Madaxweyne Siilaanyo xukunkaas kaga sii daayay muwaadinadan, mar haddii loo diiday sifaha ay ku heli karto Basaborka Somaliland iyadoo loo cuskunayo xukunkaas hore loogu riday. Xukunka Nadra lagu riday wuxuu ahaa 8 bilood oo xadhig ah. Si kastaba ha ahaate waxa muuqata inay weli kala dhantaalantahay Nadra Maxamed Jaamac xorriyadeeda oo loogu soo celiyay cafis Madaxweyne. Xeer ilaalinta oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Xigasho: Geeska Afrika