Dimishiq(Aftahannews):- Hay’adda caalamiga ee mamnuucidda Hubka Kiimikada, ayaa sheegtay in la burburiyay dhammaan qalabkii Hubka wax gumaada ee Suuriya.
Waxay Hay’addu sheegtay in Suuriya ay ka soo baxday waqtigii kama-dambaysta ahaa ee loo qabtay inay ku soo gudbiso oo lagu baabi’iyo qalabka Hubkeeda Kiimikada.
Baadhayaasha ka socda Hay’addaas, ayaa muddo bil ah ka howlgalayay Suuriya, waxaanay sheegayaan inay ku qanacsan yihiin in la burburiyay dhammaan qalabkii loo adeegsan lahaa soo saarka hubka Kiimikada.
Baadhaayasha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen 21 ka mid ah 23-da goobood ee qalabka Hubka Kiimikada ee Suuriya uu yaallo. Waxay sheegeen in labada meel ee kale ay adkaatay in la baaro, balse qalabkii yaallay loo keenay oo baaritaan ay ku sameeyeen.
Suuriya ayaa oggolaatay in la burburiyo hubkeeda Kiimikada kaddib markii Maraykanka iyo waddamo kale oo xulafa la ah ay sheegeen inay weerari doonaan Dimishiq. Waddamada reer galbeedka ayaa Suuriya ku eedeeyay inay hubkeeda wax gumaada u adeegsatay weerar lagu qaaday duleedka magaalada Dimishiq, ee caasimadda dalkaas.
Dowladda Suuriya ayaa dagaal culus kula jirto mucaaradka hubaysan ee sheegay inay doonayaan inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Bashar Al Asad.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.