Fallaagada M23 ee dalka Kongo oo laga adkaaday

Bunagana(Aftahannews):- Ciidammada dawladda Kongo, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Bunagana ee gobalka Waqooyiga Kivu oo xarun u ahayd fallaagada M23.

130815212314_congolese_army_drc_640x360_bbc_nocredit

Magaalada ayaa ah tii ugu dambaysay ee ay ku xoogganaayeen fallaagada M23 oo muddo dhowr sano ah ka dagaallamayay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo. Madaxweynaha Kongo Joseph Kabila ayaa arrintan ku tilmaamay guul u soo hoyatay dadka reer Kongo iyo kuwa woqppyiga Kivu.

Boqolaal ruux oo dabbaal degyo ayaa ciidammada dowladda ku soo dhaweeyay magaalada. Magaaladu waxay ku taalla xadka uu dalka Kongo la wadaago Ugaandha. Dad badan oo kale oo ka cabsi qabo iska horimaadyo dhexmaro labada dhinac ayaa ku qulqulayo xadka dalka Ugaandha.

Qaramada Midoobay ayaa wlaac ka muujsay tirada sii kordheyso ee qaxootiga ka soo cararayo dagaallada ee ka soo tallaabayo xadka Ugaandha.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.