Qaahira: Dabley Hubaysan oo qudha ka jaray Saddxe qof oo Cunug sideed jir ahi ku jirto

Qaahira-(AN)-Saddex qof oo ay ku jirto cunug sided sano jir ah ayay kooxo dablay ahi ku dileen ka dib markii ay tacshiirad ku fureen dad fara badan oo ka soo dareeray aroos ka dhacay Kaniisad ku taal caasimadda Masar.

churck

Waxala sheegay in gabadh yar oo 8 jir ah, haweenay iyo nin ay ku dhinteen weerarkaas, kuna dhaawacmeen sagaal qof oo kale.

“Waxay ahaayeen laba nin oo mooto watay,kuwaasoo mid ka mid ahi rasaasta furay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Masara.

“Waa argagax inaynu aragno weerarada dhawaanahan ka socda meeshii ay kuwada noolaayeen Muslimka iyo Kiristanku

Taniyo intii kadambaysay markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi waxa isa so tarayay weerarada ka dhanka ah dadka Kiristaanka ah ee degan wadanka Masar.