KULMIYE oo isku khilaafay Hoggaan ay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigaasi doorteen

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno isugu jira Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee reer KULMIYE ka tirsan, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay qaabka ay 15 Xubnood oo Guddiga qaban-qaabada shirweynaha saddexaad ee Xisbigaasi maanta ku doorteen hoggaanka hagi doona hawlaha qaban-qaabada shirkaas ee dhawaan loo soo xulay inay diyaariyaan.

3403001973_689e5f5f51

Xildhibaan Ibraahim Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada shirweynaha sadexaad ee xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaas Jaamac Ismaaciil Cigge ayaa shir jaraa’id oo ay caawa fiidkii ku qabteen xarunta dhexe ee KULMIYE waxay sharci darro ku tilmaameen sharkii ay maanta ku doorteen Hoggaankooda 15 ka mid ah Guddigii qaban qaabada.

Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe ( Ibraahim Kacaan) oo ah xubinta ugu da’da weyn Gudigga qaban qaabada shirweynaha KULMIYE, ayaa fadhigii wax lagu doortay ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu yidhi “Waxaan ka tirsanahay gudida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye,waxaanu isku nimi anaga oo ah 17 xubnood oo xubnihii qaban qaabada ah,anaga oo isugu nimi hoolka Cali Maarshaal markii aanu is eegnay waxa la yidhi aynu doorano odayga inuugu weyn da’ahaan,markii aanu is eegnayna waxa ay noqotay inaan anigu noqday ninka ugu da’da weyn sidiibaan ku ogalaaday inaan gudoomiyo ilaa inta la gaadhayo doorashada. waxaan markiiba halkii ka cadeeyay mar hadaan noqday gudoomiyahii kumeel-gaadhaka ahaa in lay doortaana way iga dhimatay,in aan cod bixiyo hadii aan lays leekaan iyaduna way iga dhimatay,markaas sida dawgu yahay ayaan idinku wadi doonaa,sidaas ayaanu ku balanay,waxaanu isla eegnay oo aanu ku balanay in aanu bari isku nimaadno (maanta),sidii baan shirkii ku xidhay.”

Xildhibaan Ibraahim Kacaan waxa uu intaas ku ladhay “Waxaan u imi intaas ka dib sadex xubnood oo hogaanka xisbiga ah, oo gudoomiyaha iyo laba gudoomiye ku xigeen ah,arintiina waan u sheegay,waxaanu isla eegnay in shirkii gudiga fulinta ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu wali socdo oo aanu soo gaba-gaboobin arinta la hayaana ay tahay qaabkii ay gudidani u shaqayn lahay oo aan dhamays tirnayan,waxa kale oo aanu isla aragnay in tiradayadii wax dhiman yihiin oo mar hadii ay tahay markii ugu horaysay ee aanu is aragnay ay tahay in la wada yimaado,waxa kale oo meesha timi hogaanka xisbigu waa inuu nagu soo wareejiyaa rikoodhada shirarkii hore iyo waxay agab hayaan ee raad raac ah, qolada la doortaana ay ku shaqayn lahayd,sidaas markaan ugu tagay aniga oo ah gudoomiyaha kumeel-gaadh ah waxaan qaatay go’aan waxaanan u arkay shirka aanu bari qabsanayno mid aan loo baahnayan.”

“Maadaama oo qabyadaasi ay nagu jirto,waxaanan xubnahii u diray fariin xalay oo aan ku war-galiyay shirkii aynu bari isugu iman lahayn in dib aynu u dhignay,sababahaas awgeed,xubniina sidaas ayaan ku wada gaadhsiiyay, wax dhibaato ahna cidna kamay keenin,waxaanan ku gabo’gabeeyay in marka u horaysa ee ay hawluu noo dhamaadaan uun in laysu yimaado oo arinta la dhameeyo,”ayuu yidhi Ibraahim Kacaan.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Sida aan ku arkay shabakadaha wararka shan iyo toban xubnood oo ka mid ah gudidii qaban qaabada sida ay sheegteen,inay guri fadhiisteen oo ay yidhaahdeen waxaanu dooranay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen,arrintaasi waa arrin aan hore xisbiga Kulmiye dhexdiisa uga dhicin,waa arrin aan dhaqan u ahayn oo xeerka xisbiga meelna ka soo galin,waa arrin fawdo ah oo sharci daro ah, xisbiga waligeed may dhicin xilalkiisa muhiimka ah in lagu doorto aqal hoostii iyo maqaaxi toona,maantana ma dhacayso in lagu doorto maqaaxi iyo aqal hoostii.”

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa gudoomiye’yaashaas ay doorteen inay tahay sharci darro,fadhigii ugu horeeyay ee gudidani muu qabsoomin wali,waxa u dhinayd cidii abuurtay iyaga oo gudiga fulinta ahayd inay u soo samayso xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen ee uu ku jiray qaab dhismeedkoodu,ma gudoomiye kaliyaata ayay yaalanayaan ma gudoomiye iyo ku xigeen ayay yeelanayaan, ma gudoomiye iyo xoghaye ayay yeelanayaan,ma gudiyo ayaa loo sii kala ja’jabinayaa iyada oo laga fikiraayo hawsha hor taala ee gudidu qabnayso,ayay ahayd inay gudida fulintu fadhiisato oo ay ka fikirto qaab dhismeedkoodu sida uu noqonaayo, qaab dhismeed ayay iska samaysteen aanay awood u lahayn oo sida aan warbaahinta ku arkaayay afartan xubnood ee ay magacaabeen wax allaale iyo waxay sharciyad ku fadhidaa ma jirto, gudida fulintaana xilkaas iska lahayd,xilkii gudida fulintana way maroorsadeen iyaga oo aan awood u lahayn.”

Jaamac Shabeel waxa uu tilmaamay in xubnaha is doortay ay iska fadhiisteen iyadoo aan Guddigii fulintu u samayn qorshihii iyo waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen waxaanu yidhi “Waxay ahayd sharci ahaan fadhigooda ugu horeeya ee ay yeelanayaan in ay ugu yaraan joogaan sadex daloolow laba dalool,waxaan garanwaayay oo iga wareerisay hadii aqlabiyada ay haystaan maxay aqalka ka dooneen,ileen gurigu waa sharci daree,mida kale ee aan ka sii yaabay waxay tahay shan iyo tobanka xubnood xisbigu waxa uu ku socdaa shir weyne ergooyina waa al soo xulayaa,liisas-baa la keeni doonaa oo muramo ayaa ka dhici doona sidee lagu aaminayaa 15-kan xubnood ee gudidii qaban qaabada inqilaabka ka dhex sameeyay masiirka intaas leeg,shirkana waa mid masiirka Somalialnd oo dhan taabanaya,waa shirweyne oo ergada waxa la gooyay 800, waxaanan qabaa in cabshooyinku intaas ka badan doonaan, nimanka talaabadii ugu horaysay ee ay qaadeen ay tahay afduub iyo inqilaab la sameeyay sidee loogu aaminayaa masiirkaas ummada.”

“Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka xisbiga anigoo ah gudoomiyahii golaha dhexe inay si dhaqso ah wax uga qabtaan arrintan oo arrinka dib loogu soo dabaalo majarihii sharciga ahaa,waayo sharci daradu waxaan fawdo iyo wareer ahayn oo ay keenaysaa ma jirto,xilkaasna in dariiqii sharciga ahaa dib loogu soo dabaalo kalsoonidiina ay dib ugu abuuraan ummada,hawshaasi waxay u taalaa hoggaanka xisbiga iyo gudigooda fulinta,”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.