Adeegga Taleefanka Shirkadda TELESOM ee Somaliland oo Saacado Badan Maanta Hawada ka maqnaa

Hargeysa(Aftahannews):- Khadka wadahadalka Taleefanka ay bixiso Shirkadda Isgaadhsiinta ugu weyn Somaliland ee TELESOM, ayaa salaaddii hore ee saaka illaa barqadii maanta hawada ka maqnaa, isla markaana ay wada-xidhiidhi kari waayeen dadweynaha ku nool Somaliland oo boqolkiiba in ka badan sagaashan (over 90%) isticmaalaan Kaadhka shirkaddaas ee lagu isticmaalo Taleefannada gacanta (Mobile-ka).

telesom

Dadweynaha kala duwan ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku dhaqan ayaa saaka waabberigii illaa abbaaro 10:20 barqa-nimo ku jaahwareeray khadka isgaadhsiinta Taleefanka gacanta ee Shirkadda Telesom, kaasoo meel uu qofka sita u gelayo iyo cid uu taleefankiisa ka wici karo midna aanay jirin, hase-ahaatee, 10:21 daqiiro ayuu hawada ku soo noqday adeegga taleefan ee ay shirkaddaasi bixiso.

Waxay cilladdaasi Taleefan la’aantu sababtay in dadku dhibaato kala kulmaan, isla markaana kala gadoomaan, maaddaama oo TELESOM tahay shirkadda ugu ballaadhan dhinaca bixinta adeegga taleefanka dadkuna badi isticmaalaan.

Hase ahaatee, Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, ayaa raalli-gelin ka bixisay ciladdaas oo ay sheegeen in ay hagaajiyeen, inkasta oo illaa hadda saacad kasta oo ka dambaysay markii uu hawada ku soo noqday adeegga dhinaca hadalka ee shirkaddu la dareemi karo culayska khadka taleefanka iyo inaanu weli sidii sii hore sax ahaan ugu soo noqon.

 “Shirkadda Telesom waxay raalli-gelinaysaa macaamiishii hawada ka maqnayd muddadii koobnayd ee uu hakadku kaga yimi isticmaalka adeegga Telefoonka.” sidaas waxay Shirkadda Telesom ku sheegtay farriin kooban oo ay dadka taleefanka Mobile-ka ka isticmaalada adeegga hadalka ee shirkaddaas ugu qaybisay qaybteeda farriimaha (massages).

Warar laga helay ila-wareedyo ka ag-dhaw Hay’adaha ammaanka Somaliland, ayaa Shabakadda Aftahannews u tibaaxay in sababta adeegga taleefanka ee TELESOM hawada uga maqnaa saacadaha uu la xidhiidho arrimo dhinaca ammaanka ah. Waxaanay ila-wareedyadu intaa ku dareen in Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsan looga soo hanjabay Taleefannadooda gacanta (Mobile)-ka, sidaa daraaddeed-na hawlo ammaan uu hawada uga maqnaa khadka taleefanka ee shirkadda Telesom.

Hase-yeeshee, illaa hadda Masuuliyiinta iyo Maamulka Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom si cad ugamay hadal adeegga wadahadalka taleefankeeda ee saacadaha badan hawada ka maqnaa iyo waxa sababay, sidaa daraaddeed, illaa hadda ma cadda cilladda shirkadda soo food-saartay waxa ay tahay iyo sida loo xalliyey toona, hase-ahaatee, waxay bulshada ku dhaqan Somaliland dareentay culays baaxad leh oo ka soo waajahay dhinaca adeegga hadalka ee shirkaddaasi bixiso.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.