Qisadii I Eriday Qaawanaanta! Q/2-aad

Qalinkii Cabdifataax Ismaaciil Mursal…..Waxa hortayda ordaysay iyadoo qaylinaysa Gabadh xaas ah oo wiil ay dhashay xambaarsan, taasoo qayb guriga ka mid ah degganayd, ma garanayo goor aan dhaafay,

balse waxaan gadaal u jaleecay iyada oo la kuftay canuggii ay xambaarsanayd oo weli qaylinaysa. “Alla hoogay, Alla hoogay, Alla hoogay oo jabay!….” ayaa ka mid ahaa weedhaha ay Hooyadaasi ku dhawaaqaysay. Marka aan Sariirta ka booday waxaan la cararay Macawis aan ku seexday, Go’ iyo Buste aan huwanaa, kuwaasoo dhammaantood iga dhacay intii aan cararayey, inkasta oo aan istaagay Macawista oo ugu dambaysay oo Cagaha igaga marantay, taasoo intaan dacal qabtay aan kor u qaatay.

mmmmmmmmmmmmm

Aniga oo weli halkaa taagan oo naxsan, isla markaana aan garanaynin waxan dhacay wuxuu yahay, hase ahaatee su’aalihii waxa dhacay naftaydu iga weydiisay aan kaga jawaabayo ‘Guriga ayaa dumay’, ayaa dad Haween u badan oo u soo yaacaya dhinacayagii aan arkay, kuwaasoo ku dhawaaqayay ‘Diyaarad baa inna duqaysay, waa Diyaarad, diyaarad, diyaarad..’ Laba daqiiqo ayey maraysaa inta xaaladda caynkaas ah aan ku guda-jiro, waxaana daqiiqaddii saddexaad dhacay qarixii labaad oo lala beegsaday Xafiiska Ganacsiga ee dawladda Itoobiya ku lahayd Hargeysa, kaasoo waxoogaa dhinaca Waqooyi-Bari kaga beegnaa halkii aan joogay.

Markaa waxa yaabkii hore iigu darsamay yaab labaad! waayo? Waxaan qaadan kari waayay  ama liqi kari waayey oo aan is-weydiinayey sababta ay Diyaaradda Dumarku ku dhawaaqeen u duqaynayso Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hase ahaatee, isla marirkaasi markii uu dhammaaday ama dhammaanayey waxa qarxay gaadhigii saddexaad oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo laba boqol oo tallaabo dhinaca Waqooyi ka sii xigta Xafiiska Itoobiya. Qaraxaas oo ahaa kii ugu awoodda weynaa saaddexda qarax ama ugu cuslaa, khasaarihii ugu badnaana sababay, waxa uu ahaa kii aan ku dawoobay ama ku miirsaday, sababta oo ah, waxaan aqoonsaday in waxan dhacayaa yahay Qarax Miino, Madfac ama wax la mid ah, waxa iga go’ay shooggii I haystay.

Waayo? Markaa, waxaan ogaaday inaan Gurigu igu dumin, diyaarad wax duqaynaysaana jirin ee ay wax kale dhacayaan. Sidaa daraaddeed, waxaan dib ugu noqday qolkii aan degganaa, waxaan si deg-deg ah u xidhay Shaadh, Surwaal iyo kabo Buudh ah. Waxa Indhahayga markaa ka socda Ilmo qiiqii iyo boodhkii Makhsinka ku xidhnaa ama qabsaday awgood. Waxaan u dhaqaaqay dhinicii qaraxa koobaad ka dhacay ee UNDP-da, intii aan Albaabka UNDP oo dhinaca koonfurta u jeeday u sii socday waxaan isku dayey inaan Taleefankaygii gacanta (Mobile-ka) ka waco dhawr qof oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaas oo aan garanayey ama aqoon u lahaa. Laakiin nasiib-darro, ma jirin wax Taleefan ah oo baxayey ama aad daqiiqadahaas ku heli karaysay cidda aad doonayso inaad la hadasho, gaar ahaan Khadka Shirkadda Telesom oo aan kaadhkeeda sitay ma shaqayneynin.

Waxaan is-hortaagay Xafiiskii UNDP-da, oo markaa Gaadhi Ciidammo Millateri ah dhigay, kuwaasoo joojinayey qof kasta oo isku daya inuu gudaha Xaruntaas u gudbo, xattaa shaqaalihii Xafiiskaas. Waxa goobtaas iigu yimi koox Suxufiyiin ah oo uu ka mid ahaa Suxufiga weyn Axmed Xuseen Warsame oo markaa ka hawlgali jiray TV-gii la odhan jiray Raad, isla markaana waxaannu madashaas oo dad badani ku soo xoomay ku warraysannay mid ka mid ah Askartii Ilaalada ka ahayd Xafiiska oo noo sheegay intaanu gaadhiga meesha lagu qarxiyay qarxin in uu waxoogaa daba ordayey, ka dib markuu istaagi waayayna uu xabbad ku riday, dabadeedna uu qarxay.

Markaa ka dib waxaannu u dhaqaaqnay dhinaca Waqooyi, waxaannu ka tallawnay Dooxa Magaalada kala qaybiya, annaga oo markaa u soconnay Xafiiska Itoobiya oo dhinaca Waqooyi Dooxa ka saaran, oo qaraxa labaad ka dhacay, daqiiqado yar markaannu joognay goobtaas oo Shinnida Malabka samaysa dusha sare ka hadhaysay, dad badanina isugu yimi, ayaa Ilaalada Madaxtooyada Askar ka tirsani ay Rasaas nagu fureen, isla markaana nagu amreen inaannu meeshaa ka tango.

Dib ayaanu halkaa uga baxnay, waxa waxoogaa nagu adkaatay inaannu u gudubno dhinaca Madaxtooyada oo qaraxa ugu xooggan ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ugu badani ka dhacay, ammaanka oo aad loo adkeeyey awgii. Wax yar ka dib Aniga iyo koox aan ku jiro waxa noo suuragashay inaannu gaadhno cusbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa oo lagu daad-guraynayey dhimashada iyo dhaawaca dadka goobaha weerarradaas lagula yaacayey.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaas shan sano ka hor shalay oo kale 29-kii October 2008 ka dhacday Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa waa ta sababtay qodobbada kor ku xusan ee xusuusta guud iyo ta gaar-ba leh, isla markaana Aniga markhaatiga iiga dhigtay tilmaamaha nuxur ahaan dareenkaygii maalintaas iyo saamayntii kelida igu ahayd Arbacadaas, iyaga oo qaraxyadaasi ahaayeen kuwii ugu sanqadha ama gariirka waynaa ee ay dhagahaygu maqlaan. Waxaanan Qaraxyadaas Hargeysa u aqoonsaday inay ahaayeen Qiso Qaawanaan I eriday, sida Ciwaanka qoraalka idiinka muuqata.

Intaas ayaan ku soo koobayaa xusuustii qalinkayga iyo Xaaladda Arbacadii Madoobayd! oo sababta igu kelliftay tahay keliya inaan dib u jalleeco dareenkaygii maalintaas shana sano ka dib, kagana qayb-qaato xuska iyo xusuusta qaraxyadaas Hargeysa ee dhacay 29-kii October 2008, waxaanan tacsi u dirayaa guud ahaanba bulshada iyo Qaranka Somaliland ka sokow ehelada, qoysaska, qaraabada iyo Axsaabta dadkii ku dhintay weeraradaas oo aan leeyahay Samir iyo Iimaan saadiq ah Illaahay ha idinka siiyo, intii dhimatayna Illaahay ha u naxariisto….Aammiin…..Allah ha aqbalo.

Dhammaad.

Qalinkii Cabdifataax Mursal

Email.mrmursal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.