Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo hoggaan ku doortay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda Hargeysa ku yeesheen ku doortay hoggaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas, kuwaasoo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen.

71-400x300

GUDIGA 2

Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Fadhiga lagu doortay xubnahan hoggaanka Guddida qaban-qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayb-galeen shan iyo toban Xubnood, waxa Guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ahaa Yuusuf Guruje.

Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afarta xubnood.

Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.

Guddoomiyaha la doortay Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtii ka hadlay waxaanua mahadnaq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay xubnaha hogaanka ah isagoo balan qaaday xilka loo dhiibay in ay uga soo bixi doonaan sida ugu haboon.

Xubnaha Guddida qaban qaabada ee fadhiga doorashada ka soo xaadiray waxay kala ahaayeen:-.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.