“Ururka SOLJA Waxa uu Leeyahay Suxufiyiinta Markhaatigiinna Janno Illaahay Ha Furo..”

War-Saxaafadeed uu soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Hargeysa(Aftahannews-):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu hal-adayga geesinimo leh ku tilmaamay go’aanka is-barbartaaga u ah ee kasoo yeedhay Suxufiyiinta Warbaahinta Maxaliga qaarkood, kaasoo ah mid si cad u waafaqay go’aanka iyo mabaadiida Ururka ee ku aadan Xeerka iyo Guud ahaan arimaha Saxaafadda.

ddd5

Sidaana waxa uu ku sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, caawa ka soo baxay ka dib kulan ay hoggaanka sare ee Ururku ku yeesheen Xafiiska Guud ee Ururka SOLJA, kaasoo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan:-

“Ururka SOLJA waxa farxad, hiil iyo geesimo hal-adayg leh u ah dhawaaqii kasoo yeedhay Suxufiyiinta Warbaahinta Maxaliga ah, kaasoo nuxurkiisu ahaa mid tilmaamayey mawqifka ku aadan soo-jeedin sharciyada baal-marsan ee dul-ku-qaadka loogu geeyey Guddi hoosaadka Arimaha bulshada ee Golaha Wakiilada, isla markaana sharciyada Golaha Wakiiladu ku dabartay in aanu ka mid noqon Ajandeyaasha Mooshinada xalaasha ah ee Golaha.

Dhaqdhaqaaqa arimahaa oo Ururka SOLJA uu si sugan ula socday marar badan kulamo gaar-gaar ah kala yeeshay Golaha Wakiilada iyo qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland, sidoo kalena SOLJA waxa uu arimahaa ka sameeyey daraasado sharci oo ay ka qayb qaateen Garyaqaanon khibrad u leh arimahaas.

Hadaba, iyadoo halkaa xaal marayo, ayaa waxa dhacday in xubno kamid ah Suxufiyiinta Somaliland iyo hoggaanka SOLJA oo ay ka socdeen Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ku kulmeen Hotelka Fish And Steak ee Magaalada Hargeysa, kaasoo qabanqaabadiisa xubnaha Suxufiyiintu lahaayeen, sidoo kalena ku sheegeen ujeedadiisa furista Xeerka Saxaafada Somaliland ee Xeer No: 27/2004, hase-ahaatee dood iyo falaqayn kadib waxa xubnaha hoggaanka SOLJA usoo bandhigeen go’aanka Ururka ee ku aadaan dooda mawduuca Xeerka oo ah MAYA MAYA MAYA. Sababtoo ah ma jirto baahi Taban iyo mid Togan oo waajibinaysa furista Xeerka.

Geesta kale, Ururka SOLJA mar kasta waxa uu xaaraan u arkaa hadal-qaadka, falanqaynta iyo dood-gelinta soo-jeedinta sharciyada baal-marsan ee Guddoomiyaha Guddida Arimaha Bulshada ee Goluhu gacanta ku hayo, sidoo kale, kulankaa Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud kulankaa, waxa ay mar labaad xaaraan ku tilmaameen doodaha iyo soo hadal-qaadka Soo-jeedinta sharciyada gees-marsan.

Sidaa darted, Maanta waxa Ururka SOLJA sharaf u ah in Suxufiyiintii doodaasi dhex martay 2-Bilood [Lixdan Maalmood] ka hor ay usoo noqdeen go;aankii nasteexada Suxufiga iyo Saxaafadda Somaliland ku jirtey oo SOLJA waqtigaa  iyo hadaba aaminsan yahay.

Gun iyo gebagebo, Ururka SOLJA waxa Suxufiyiinta ku boogaadinayaa go’aanka cad ee ay iska taageen Far-faraynta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee 27/2004, waxaanu Ururku leeyahay Markhaatigiina Janno Ilaahay ha Furo. Allaah Mahad leh:”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.