Mooshinka Muxaafidka, Mooska Mucaaradka, Ismuujinta Baashe, Gedoodka Cirro, Go’aanka Sharci, Gariirkii Golaha Wakiillada ee Shalay iyo Walaacii Ciidan ee Maanta

“Goluhu sidan ku socon maayo, Guddoomiye WADDANI ah oo cid u socda oo aan dhex-dhexaad Golaha u ahayn baa jooga, illaa Mooshinkan laga codeeyana Golahani sidaas ayuu ahaanayaa…” Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax

“Xukuumadda ayaa Golaha Mooshinka iyo dhibtan keentay Saaka (shalay subax) lixdii ayaa Golaha lala meeraysanayay Baco Lacag ah, Aniga waxaa la iila yimi $4000 Afar kun oo Doollar….” Xildhibaan Siciid Gaane

FEEDHFEEDHKA Cirro iyo Baashe

“Waxaan ula jeeday haddii Sharci-darro lagu socdo oo Baarlamanki laba Guddoomiye yeesho waxa suurta-geli karta in laba Madaxweynena la sameeyo…” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Dagaal gacan-ka-hadal iyo feedh-feedh ah, ayaa dhex-maray Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Baashe Maxamed Faarax, ka dib markii uu Ku-xigeenku ka cadhooday Mooshin Xildhibaannada Muxaafidku hor-keeneen Golahaas oo uu Guddoomiye Cirro markuu akhriyey ka dib u cuskaday Xeer-hoosaadka Golahaas oo dhigaya in aan isla hal kal-fadhi Mooshin lagaga dooday Golaha lagu soo celin karin illaa Kal-fadhiga dambe la gaadho, kaasoo ku saabsanaa soo celinta heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera oo uu Golahaasi hore u laalay.

Markii uu furmay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa Xildhibaan Bukhaari oo ka tirsan Mudanayaasha Muxaafidka ahi u soo gudbiyey Qoraalka Mooshinka oo ay ku saxeexnaayeen 38 Xildhibaan oo Garabka Muxaafidka ka tirsan, kaasoo uu Cirro ka hor-akhriyey Golaha ujeeddadiisa iyo Magacyada Mudanayaasha ku saxeexan, ka dib waxa uu ku ladhay Qodobka 43-aad, Farqaddiisa 2-aad oo uu sheegay inuu dhigayo inaan Mooshin lagaga dooday ama lagaga hadlay Kal-fadhiga Golaha isla Kal-fadhigaas lagu soo celin karin ee uu ansax ku yahay in la keeno kal-fadhiga dambe ee Golaha, sidaa awgeedna uu fadhigu xidhan yahay. “Waxaan golaha waynaha usoo jeedinayaa inuu ixtiraamo golaha,inuu ixtiraamo xeer hoosaadka oo uu ku dhaqmo.” ayuu yidhi Cirro.

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka Golahaas Baashe Maxamed Faarax oo hoggaamiyaha Garabka Mudanayaasha Muxaafidka ah, ayaa Cod-baahiyaha furtay, isla markaana sheegay inaanu fadhigu xidhnayn ee uu furan yahay, isla markaana aanay kici karin Xildhibaannada KULMIYE ee uu isagu Guddoomiye u yahay ee loo Codaynayo Mooshinkaas. “Goluhu waa fadhiyayaa waa la codeynayaa, Xildhibaanada KULMIYE Anaa u guddoomiye ah ee ha fadhiyaan waala codeynayaaye.” Sidaa ayuu yidhi Baashe.

Waxa uu Cabdiraxmaan-Cirro marka uu awood-maroorsigaas ku kacay Ku-xigeenkiisu ugu jawaabay; “Guddoomiye Ku-xigeenku waa inuu ixtiraamo Golaha Wakiillada iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Haddii Golaha Wakiilladu yeesho laba Guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”

Xaalku markii uu halkaasi marayey labada Guddoomiye, ayaa dagaal iskula kacay ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Makrafoonka ka hor qaaday Guddoomiyaha Golahaas, dabadeedna waa la kala dhex-galay oo waa la fadhiisiyay mid kasta Kursigiisa, balse hawshu halkaas kuma istaagin.

Guddoomiyaha Ku-Xigeenka 1-aad, ayaa hadallo cay ah ku yidhi; ka dib markii Guddoomiye dalbaday Ciidan fadhiga ka saara Guddoomiy ku-xigeenka. “Askartii Meeday.” ayuu yidhi Cirro. Balse Baashe ayaa ugu jawaabay aflagaaddo, waxaanu yidhi; “Hooyadaa… (CAY)! ma Askar baad haysataa?” waxaanu Cirro markaas yidhi; “Ka bax Golaha Nedalyahaw.”

Jafaajiriq iyo Buuq Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa koowaad dhex-maray ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa feedh ku dhuftay Ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, intaa ka dib waxa uu Goluhu isu beddelay fawdo, buuq iyo dagaalka oo labada Masuul dhex-maray oo ku fiday Mudanayaasha kale ee Golahaas oo Muxaafid iyo Mucaarid u kala saftay, dhawr ka kala tirsan labada Garab-na gacan-ka-hadal dhex-maray. Markaas oo la kala qabtay labada Guddoomiye oo fadhigu sidaas ku xidhmay oo lagu kala dareeray.

Markii Guddoomiye Cirro iyo Ku-xigeen Baashe laga saaray fadhiga Golaha oo fawdadaas ku xidhmay, ka dib, waxay si gooni-gooni ah ula hadleen Warbaahinta, waxaana ugu horreyn Cirro oo ka hadlaya waxa dhacay uu yidhi; “Shacbiga Somaliland iyo Golaha-ba waxaannu ka raalli-gelinaynaa wixii ka dhacay Golaha maanta (shalay) ee ahaa sharci-darrada, Goluhu hawl-maalmeedkiisii caadiga ahaa ayuu ku jiray, waxa socotay dooddii Xeer-hoosaadka, Mooshin baa la keenay, Mooshinka nidaamkii sharciga ahaa ayaannu marinnay, waxaannu akhrinay ujeeddadii Mooshinka, waxaannu akhrinay Mudanayaashii soo qoray Mooshinka.”

Guddoomiye Cirro oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Hase-yeeshee, Goluhu wuxu leeyahay Xeer-hoosaad, Xeer-hoosaadkaas ayaannu markaa ku dabbaqnay oo tilmaamaya mooshin la keenay kal-fadhigan inaan isla kal-fadhigii la soo celin karin, qodobka 43-aad, Farqaddiisa 2-aad oo aan Golaha ka hor-akhriyey oo ahayd; ‘Lama furi karo Mooshin haddii arrinta uu ka hadlayaa ama Mooshinka khuseeya uu Goluhu ka dooday isla kal-fadhigaas’. La-taliyaha Sharciga waannu u gudbinnay, isna sidaas ayuu soo qoray inaan la keeni karin Mooshin kal-fadhigan laga hadlay isla kal-fadhigii, lama diidin Mooshinka, waxaan idhi wuxuu ansaxyahay in la keeno kal-fadhiga dambe. Laakiin, waad arkayseen, bil-khasab baa la doonayey in lagu mariyo Golaha oo ah sharci-darro. Waxaad arkayseen in Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad oo awood aanu lahayn isticmaalaya.”

Cirro oo la weydiiyey waxa uu uga jeeday hadalka uu ku sheegay in dalku laba Madaxweyne yeelan doono haddii Goluhu laba Guddoomiye yeesho, waxa uu ku jawaabay; “Shir-guddoonka waxa guddoomiya Guddoomiyaha Golaha markuu joogo, bal markaan maqanahay ha joogee maanta waad arkayseen wuxu halkaa ka samaynayey (Baashe), waxay ila tahay wax uu keligii ku yahay maaha. Waxaan ula jeeday haddii Sharci-darro lagu socdo oo Baarlamanki laba Guddoomiye yeesho waxa suurta-geli karta in laba Madaxweynena la sameeyo.”

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna dagaalkaas ka dib Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa xarunta gobolahaas, waxaanu yidhi; “Shacabka waa ka raalli-gelinaynaa, Guddoomiyahaa dagaalka bilaabay, isagaa dagaalka bilaabay, markaa wixii khalad ah ee dhacay shacabka Somaliland waa ka raalli-gelinaynaa. Laakiin, waxa weeye, Goluhu sidan ku socon maayo, Guddoomiye WADDANI ah oo cid u socda oo aan dhex-dhexaad Golaha u ahayn baa jooga, illaa Mooshinkan laga codeeyana Golahani sidaas ayuu ahaanayaa. Hore ayuu u sameeyey (Cirro) oo uu u yidhi; ‘Madaxweynuhu Warqad iima soo celin karo.”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Muxaafidka Golahaas, ayaa ku dooday inay xaq u leeyihiin soo celinta Mooshinkan ay soo gudbiyeen Shalay Mudanayaasha Muxaafidku, waxaanu yidhi; “Guddoomiyuhu waxay ahayd in xeerka siduu u keenay aannu u keenno oo loo codeeyo kol haddii Madaxweynuhu soo celiyey, xaq baannu u leenahay inaannu u codayno.”

“Shir-guddoonku Dembi bay galeen, waa in la kala diraa, adduunyadii way qarribeen……..” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Mooshinka dagaalka gacan-gacanta ah ka dhex-dhaliyey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland fadhigii shalay oo markii fadhigaas fawdadu hadhaysay laga soo baxay ka  mid ahaa Xildhibaannada dibedda hoolka Saxaafaddakula hadlay.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isna yidhi; “Siilaanyo ayaa maanta sidaa u galay Golaha, oo uu laaluush u soo qaybiyey Xildhibaannadii Golaha Wakiillada, waxa uu maanta (shalay) halkaas ka sameeyey Baashe Maxamed Faarax waxaan u arkaa inuu Qaranka burburinayo. Ummadi waxay ummad ku tahay, dad ku tahay oo ay dawlad ku tahay kala-dambaynta iyo Sharciga oo lagu dhaqmo. Waxa la boobayaa waa hantidii ummadda gacanta gaarka ah ee laga qabtay ee ay ku faanayeen inta Haamood ee hagaagay, ee ay ku faanayeen siday u hagaajiyeen, inay maanta dib u baabbi’inayaan bay doonayaan, kana yeeli mayno Xoolaha ummaddana waa la badbaadinayaa, Cirrana maantuu inuu Madaxweyne u qalmo muujiyey.”

Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada, ayaa Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan u sheegay in Lacag inuu ku taageero Mooshinka Muxaafidku watay ee fawdada ka dhex-dheliyey Shir-guddoonka Golaha, waxaanu si kooban u yidhi; “Xukuumadda ayaa Golaha Mooshinka iyo dhibtan keentay Saaka (shalay subax) lixdii ayaa Golaha lala meeraysanayay Baco Lacag ah, Aniga waxaa la iila yimi $4000 Afar kun oo Doollar inaan qaato oo Mooshinkaas u codeeyo.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Mucaaradka Golahaas ee laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa Dhaar ku maray inaan isaga la’aantii la wareejin karin Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera. “Waxay doonaan ha sameeyaan waannu Arki doonnaa in Aniga la’aantay Haamaha la eareejiyo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.

Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo isagu gacantiisa uga dhiibay Qoraalka Mooshinkaas Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa yidhi; “Mooshinka Ninka keenaya waa aniga, in Golaha Mooshin la keenaa waa sharci, in sharciyadda la mariyaana waa sharci, 38 Mudane ayaa soo saxeexay oo keenay. Guddoomiyuhu wuxuu xaq u lahaa in sharciga la mariyo oo loo codeeyo, inuu Golaha dhex-dhexaad ku hoggaamiyo oo Guddoomiye u yahay ayaa Dastuurka ku taal, inuu Mooshinkii shalayna yidhaahdo uma baahna nidaam ee haddaa loo codaynayaa. Kii maantana (shalay) inuu yidhaado shacigaa la marinayaa lama keeni karo oo xeer-hoosaadka u daliishado, shalayna uu yidhi; ‘xeer-hoosaadkaan laalayaa’. Waxa weeyaan arbush iyo fidmo Golaha laga samaynayo.”

Mooshinkan ay Xildhibaannada Xukuumadda taageera ee Muxaafidka Golaha Wakiilladu fadhiga shalay u soo gudbiyeen Shir-guddoonka ee ay ku dalbanayaan in la soo celiyo oo loo codeeyo Heshiiska Xukuumaddu la gashay shirkadaha waddaniga ah ee gaarka loo leeyahay ee ay ku wareejinayso Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee magaalada Berbera, ayaa Mudanayaasha Golahaasi Aqlabiyad ugu codeeyeen in la laalo 30-kii bishii siddeedaad ee inna dhaaftay sannadkan 2015-ka, iyagoon heshiiskaas loo soo gudbin ama aan la horkeenin Gole ahaan, balse ay laalistu ka dambaysay markii ay 29-kii isla bishaa August ay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musuqmaasuqu Warbixin dheer ka hor-jeediyeen Golaha ku soojeediyeen in heshiiska Xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Shidaalku dhibaato ku yahay dalka iyo dadka iyo ganacsiga xorta ah, qayrul-dastuurina yahay, sidaa awgeedna Golaha oo waajibkiisa sharci gudanayaa halkiisa ku laalo heshiiskaas.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa horraantii bishan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada u soo gudbiyey Qoraal uu dib ugu soo celiyey heshiiska go’aanka Goluhu ku laalay heshiiskaas oo ay Xukuumaddu ku doodday inaanu sharciga waafaqsanayn. Balse,Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa dib ugu celiyey Madaxweynaha Qoraal uu ugu sheegayo inaanu Dastuurku caddaynaynin in Go’aan Gole Madaxweynuhu dib u soo celiyo, horena aanay caado u ahaan jirin, sidaas darteen go’aanka Goluhu sidaas sharci ku yahay, balse Xukuumad ahaan ay soo curiyaan Xeerka Maamulka Hantida Qaranka ee Guurtada iyo Ma-guurtada ah.

Waxaanay Jawaabtaas Cirro hurisay khilaaf, ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, sheegeen in Guddoomiyuhu sharci-darro ku tallaabsaday, isla markaana Madaxweynahau jawaabay isagoon kala tashan jawaabta Golaha iyo Shir-guddoonka kale toona. Waxa-se Cirro ku dooday inuu Sharcigu u oggol yahay inuu isagoo ku hadlaya Afka Shir-guddoonka iyo ka Golaha Wakiilladaba ka jawaabi karo Qoraalkaas oo kale iyo wixii la mid ah. Waxaanay sidoo kale taasi keentay in Muxaafidku Mooshinkan dagaalka dhaliyey shalay keeno. Waxaanay wararkii u dambeeyey ee xalay Saacadihii dambe Wargeyska Himilo helay tibaaxeen in Garabyada Mucaaradka iyo Muxaafidka ee Golahaas dhinac waliba gaarkiisa u shiray, waxaanu warku intaas ku daray in Xukuumaddu diyaarisay illaa dhawr boqol oo Askarta Ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tabobbaran ahi inay maanta la wareegaan ammanka iyo gacan-ku-haynta Golaha, iyadoo la sheegay in Mudanayaasha Mucaaridkuna go’aansadeen inay ku kallahaan Golaha Saaka ahaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.