WADDANI oo si adag uga hadlay Xeerka ay Xukuumadda Siilaanyo doonayso inay Warbaahinta ku cabbudhiso

“Xeerkan waxa laga soo minguuriyey dalka Kuubba…Madaxweyne, ma waxaad doonaysaa inaad noqoto Fiidal Kastarihii Kuuba ee Keli-teliska ahaa oo kale…?” Xasan Xuseen Cod-yare

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ku dhalliilay qorshaha ay Xukuumaddiisu ku doodaynayso inay Golaha Wakiillada kaga meel-mariso Xeer ka soo horjeeda Dastuurka iyo Shuruucda Somaliland oo lagu cabbudhinayo Xorriyadda hadalka iyo Warbaahinta madaxa-bannaan.

waddani-300x132

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay si adag ugu cambaareeyeen Xeer qabyo-qoraal ah oo Saxaafadda madaxa- bannaan lagu cabbudhinayo oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dabada ka riixayso.

Shirkaas Jaraa’id waxa ugu horrayn ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamed Xasan Dirir, oo xusay in Xeerkan ay Xukuumaddu ugu talogashay inay ku cabbudhiso kulana wareegto hantida Saxaafadda madaxa-bannaan. “Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxay xeerkan u samaysatay inay ku ciqaabto saxaafadda madaxabanaan, iyadoo doonaysa inay xeerkan kula wareegto hantii hay’adaha madaxabanaan ee saxaafadda.”

Xoghaye Dirir isagoo ka hadlaya abaalkii ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gashay saxaafadda madaxabanaani wakhtigii uu mucaaridka ahaa wuxuu yidhi; “Waxaynu wada ogeyn siddeedii sano ee Axmed-Siilaanyo mucaaridka ahaa siddeedaas sano-ba ilmada ayay ka tiraysay Saxaafadda madaxa-bannaani, maanta markii uu taladii dalka qabtayna wuxuu u soo tafa-xaytay inuu yidhaa; ‘waxaan la wareegaynaa hantidii Wargaysyada iyo TVyada madaxa-bannaan ee astaanta u ahaa Xorriya-tul-qawlka Somaliland.”

Xoghaye Dirir isagoo ummadda Somaliland farriin u diray wuxuu yidhi; “Ummadda Somaliland waxaan u sheegaynaa inay ka dhiidhiyaan xad-gudubka ay Xukuumaddu u geysanayso Saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka. Saxaafadda madaxa-bannaan waxaannu ku ammaanaynaa sida ay u garab-istaageen ee ay ugu hiiliyeen ee ay u dhiseen dimuquraaddiyadda dalka una ilaaliyeen Xoriya-tal qawlka Somaliland, Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u ballan-qaadayaa Saxaafadda madaxa-bannaan inuu hiil iyo hooba la garab-joogo oo aanay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo fursad u siin doonin inay dalkan ka dhigto kali-talis.”

Waxa isaguna hadalka qaatay hantidhawraha xisbiga WADDANI Xasan Xuseen Codyare isagoo sheegay inuu Xeerkan qabyo-qoraalka ahi lid ku yahay Dastuurka dalka, Xeerka Saxaafadda ee Xeer No: 27/2004 iyo Xeerka Ururrada iyo Axsaabta ee Xeer No.14/2011, isagoo sheegay in Xeerkan lagasoo dheegtay dalka Kuuba. “Xeerkani wuxuu lid ku yahay Dastuurka dalka, Xeerka Saxaafadda 27/2004 iyo Xeerka Ururrada iyo Axsaabta ee Xeer no.14/2011, Xeerkan meesha yaal waxa laga soo minguuriyey dalka Kuuba oo Saxaafaddu cagta hoosteeda ku jirto. Markaa, Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay Madaxwene, ma waxaad doonaysaa inaad noqoto Fiidal Kastarihii Kuuba ee Keli-teliska ahaa oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Xuseen Cod-yare.

Sidoo kale, Xogoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Shir-Saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Xeerkani ka hor imanayo Dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ahba, waxaanu yidhi; “Xeekani wuxuu ka hor-imanayaa Dastuurka dalka iyo Shuruucda caalamiga ah ee Adduunka wuxuu dib innoogu rarayaa Xidigtii October inay noqdaan Jaraa’idka iyo  Warbaahintu noqoto nidaamkii Kacaankii Siyaad Barre, waxaanu Xukuumadda u sheegaynaa inaan dadkani aqbali doonin nidaamkii Keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre oo kale.”

Xoghaye Cabdirashiid Riyo-raac oo ka hadlaya qodobbada Xeerkan qabyada ahi qorayo inay Saxaafadda maamuli doonnaan waxa uu yidhi; “Golahan Saxaafadda loo samaysanayaa waxa uu la mid yahay Golihii Kacaanka Siyaad Barre ee ka qaadi-jiray dadka hantidooda ee ka xidhi-jiray Meheradahooda ee ka masaxi jiray Liisamadooda ee la wareegijiray waxa qofku leeyahay. Waxaad ka warhaysaan in Warbaahintii Qaranka cid gaar ahi yeelatay oo Xukuumadda Axmed-Siilaanyo boobtay TV-gii Qaranka, Idaacaddii Iyo Wargayskii-ba, Maantana waxay doonaysaa inay Saxaafaddii madaxa-bannaanayd boobto.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.