Xukuumadda Oo La Wareegtay Xarunta Agoomaha Maxamed Mooge, Gaadhsiisayna Deeq Lagaga Kor-qaaday Sibidh Ay Jiifsan Jireen Iyo Duruufaha Xilligan Ku Xeeran

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shalay toos ula wareegtay xarunta daryeelka Agoomaha Mustaqbal ee Maxadem  Mooge,isla markaana gaadhsiiyay deeqdii ugu horraysay, waxaana xaruntaas la geeyey 120 Furaash oo loogu talo-galay inay ku seexdaan Carruurta halkaas lagu xannaaneeya oo tiradoodu dhan tahay 97 ay sidddeetan (80) Wiil yihiin iyo 17 Hablood.

sdfasdfsf

Shugri Xariir

SAM_0564

SAM_0558

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Xuseen Cabdi (Galaydh) iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Xasan Cali Dheere, ayaa shalay tegay Xarunta daryeelka Carruurta Derbi-fiijka ahaan jirtay ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta Xarunta tegay ayaa soo bandhigay dhaqaalaha ku baxa Carruurta Xarunta ku xaraysan bil kasta, isla markaana ay dawladdu ku bixiso baahiyaha ka jira iyo duruufaha nololeed ee ku gedaaman Carruurta yar-yar ee Xaruntaas ku jirta.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Dheere oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay ammaanka Xaruntaas gacanta ku hayaan, isla markaana ay ka joogaan Askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo kala ah afar Nin iyo laba Dumar ah oo ay labada Haweenka ahi u qaybsan yihiin barbaarinta Carruurta iyo hagaajinta akhlaaqdooda.

“Haddaannu nahay Ciidanka Asluubta waxaannu halkan u qaybsannahay annagu Ciidan Asluub ahaan ammaanka iyo hagaajinta tarbiyaddooda iyo barbaarinta Carruurta. Ciidanka Asluubta waxaa shalay (Dorraad) loogu soo qaylissay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada oo waxaa nala soo gaadhsiiyay in xaalad ammaan-darro ay ka taagan tahay. Markaa, ka dib ayaannu u soo dirnay Ciidan, laakiin waxaa meesha ka dhacay dembiyo abaabulan oo Carruurta waxbaa la geliyay, waxaana laga dhaadhiciyay in cid gaar ahi ay wax u tahay. Laakiin, maanta tii ma jirto, Carruurtiina waannu is waraysannay oo sheekaysannay wax immika ammaan-darro ah oo ka jirtaana ma jirto, laakiin waad aragtaan sida ay u dayacan yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Xasan Cali Dheere.

Intaa ka dib-na waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Xuseen Cabdi (Galaydh), waxaanu yidhi; “Xaruntan waxaa wada-jir uga shaqeeya Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada oo quudintooda iyo daryeelkooda bixisa iyo Wasaaradda Waxbarashada oo bixisa mushaharka Macallimiintooda iyo wixii dhanka Waxbarashada ah iyo Ciidanka Asluubta oo qaabbilsan ammaankooda iyo tarbiyadda Carruurta, saddexdaa laamood ayaa Qaranka u qaanbilsan Xaruntan. Waxaad maqasheen warar badan oo Xaruntan laga qoray oo wax lagu sheegay, laakiin maanta waxaa hortiinna yaalla waad aragtaan.”

“Horta, waa taa miisaaniyadda Qaranku, dawladdu sannadkii waxay Carruurtan ku bixisaa Saddex boqol oo Milyan, sannad kasta Miisaaniyadda Qaranka ayaanay ugu jirtaa oo aniga oo Agaasimaha guud ah ayaa saddex bilood kasta u saxeexa, dawladda hoose ee Hargeysa waxay bixisaa bil kasta Kun Doollar oo lacag ah,  labada Shirkadood ee waddaniga ah ee Telesom iyo Dahabshiil-na waxay bixiyaan bil kasta dhaqaale, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahiba bil kasta wax bay ku taraan Carruurta Xaruntan ku jirta oo ay ugu soo dhiibaan ciddii gacanta ku haysay.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Galaydh.

Waxaanu Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Aniga oo Galaydh (Agaasimaha guud Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada) ah waxaan immika halkan ku hayaa July iyo Septemer foojarkii ugu dambeeyay ee saddex biloodka ahaa ee aan ugu soo saxeexay oo dhan 70200,000,(Toddobaatan Milyan iyo laba boqol oo kun) tii ka horraysayna intaa in leeg ayaan gacantayda ku saxeexay waana taa aan Warbaahinta soo hor-dhigay, saddex bilood kastana waan u hayaa toodii immika ee October illaa Docemberna waa loo hayaa, taasi waxay caddaynaysaa in Xaruntan ay quudinteeda bixiso oo ay Miisaaniyaddad dawladda ku jirto oo aan la dayicin.”

“Halkaa waxaa yaalla oo lagu qariyay gaadhi ay leedahay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshadu oo Seve the Children ku wareejisay Wasaaradda oo ay kala saxeexdeen Wasiir Garaad iyo masuul ka tirsan Hay’addaas, gaadhigaasina illaa immika ma laha summaddii Qaranka ee ahayd in lagu xidho waana nalagala baxsaday, halkan Shaqaalaha joogaa waa shaqaale mushahar ka qaata Wasaaradda Qoyska, Waxbarashada iyo Ciidanka Asluubta.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye, ayaa halkaa ka hadlay, waxaanu ballan-qaaday inay kordhinayaan taageerada kaga aaddan Wasaarad ahaan wax-tarka Carruurta xaruntaas lagu daryeelo, waxaanu yidhi; “Waxaan marka hore idiin sheegayaa inaan Carruurtan ciddii dayacday ee wixii loogu soo dhiibay ku tagri-fashay lagaga hadhi doonin, maanta waa wax laga qoomamoodo ah in aynu aragno Carruurtii aynu dhalnay ee ahayd mustaqbalkii dalka iyagoo sibidh jiifa. Waxaanan ballan-qaadaynaa inaannu ugu horrayn halkan keenno kuraastii iyo miisaskii loo dhigi lahaa fasallada ay wax ku baraayaan, waxaanad ogaataan in Illaahay innagu eegayo oo la innaga rabo in aynu gudanno Masuuliyadda innaga saaran Ubadkeenna.”

Ugu dambayn waxaa hadalka soo gunaanadday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, waxaanay ka warrantay in ujeeddada ay xaruntaas u tageen tahay sidii wax looga qaban lahaa dayaca iyo darxumada haysata carruurta xaruntaa lagu hayo. “Maanta (shalay) waxaynu halkan isugu nimi inaynu ogaanno nolosha dhabta ah ee Carruurta ku jirta Xaruntan in aynu ogaanno oo aynu wax ka qabanno dhibaatada ku xeeran. Waa wax laga xumaado in aynu aragno Carruurta intaasoo dhaqaale ahi ay ku baxday ee aanay dawladdi hagran, Ganacsato hagran Hay’ado hagran ee haddana Sibidhka jiifa.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeen Shugri Xariir.

Waxay Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil intaa ku dartay oo ay tidhi; “Maanta (shalay) waxaasn Saxaafadda marti uga ahay inay sheegaan waxay indhahooda ku arkayaan hadday in badan odhan jireen ilo xog-ogaal ah iyo waxaannu soo xigannay maanta waxaa aad aragtaan ayaannu idiinka magan-nahay inaad qortaan oo aydaan cidna u eexan. Waxaanan ballan-qaadaynaa in maanta (shalay) laga bilaabo ay arrinta Carruurtan dawladdu la wareegtay oo ay masuuliyaddeeda qaadday, isla markaana ay gacanta ku hayn doonto.”

“Illaahayna cidda uu kala xisaabtamayaa waa dawladda ee uu ku eegayaa qof iyo cid gaar ah midna la weydiin maayo, Hay’adaha sama-falka iyo ganacsatadana waxaan ka codsanayaa inay Carruurtan waxay ku caawin karaanba ku caawiyaan, annagoo u ballan-qaadayna in aanay noqon sidii tii hore mid isla lunta oo aannu ku daba-galayno wixii loogu Deeqo waxa loogu qabto.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil.

Waxa isla shalay Masuuliyiintani Wershadda Samaynta Buushka iyo Furshaanta ee Al-Khayraad uga soo iibiyeen 120 Furaash oo kuwa jiifka ah, kuwaasoo isla shalay ay gaadhsiiyeen Carruurta Xaruntaas ku xaraysan oo tiradoodu dhan tahay 97 Carruur ah oo isugu jira 80 Wiil iyo 17 Gabdhood oo qaarkood da’doodu aad u yar-yar yihiin, kuwaasoo ay u ballan-qaadeen inay Kabo iyo dhar u iibin doonaan, isla markaana noloshooda iyo duruufta ay hadda ku nool yihiin wax badan ka beddeli doonaan, isla markaana loo daryeeli doono sidii loogu talo-galay iyo inay helaan nolol caadi ah oo dhammaystiran.

Waxay tallaabadani ku soo beegantay markii dhawr maalmood ka hor isla toddobaadkan ay Xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay Luul Xasan Mataan oo ahayd Haweenaydii Maamulaysay Xaruntaas daryeelka Carruurta Derbi-jiifka ah oo ay Xukuumadda muddo dhinac-ba dhinaca kale eedaynayey, taasoo weli xidhan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.