Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay Xeerka Booliska

Hargeysa(Aftahannews):- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta ansixiyey Xeerka Booliska oo muddo ku dhex-meeraysanayey Golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, kaasoo ay dhawaan meel-mariyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa fadhigoodii maanta oo uu guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xeerka Booliska Somaliland Xeer No:63.2013, kaasoo ay oo ay Xildhibaannada Guurtidu kaabis iyo waxka beddal ku sameeyeen, isla markaana ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Golaha-Guurtida3

Fadhiga codka loogu qaadayay Xeerka Booloiska waxa ku sugnaa oo madasha fadhigaas ka soo xaadiray 52 Xildhibaan oo ka tirsan  82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay. Xeerkan Booliska Somaliland xeer No:2013 oggolaaday 45 Xildhibaan, waxa diiday 4 Mudane, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Booliska Somaliland oo ah mid si toos ah u taabanaaya Bulshada Somaliland maaddaama oo ay ku shaqayn doonaan Ciidammada Ammaanka oo shacabka u haya hawl aad u muhiin ah.

Xeerkan Booliska ee Xeer No: 63.2013, ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan gali doonaa marka uu saxeexo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo). Xeerkaas, ayaa waxa la filayaa in uu wax wayn ku soo kordhiyo habsami u socodka hawsha booliska Somaliland, waxaanu si toos ah u shaqayn doonaa marka uu Madaxweynuhu qalinka ku duugo dhaqan-gelkiisa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.