“KULMIYE Gelinka hoew haddii uu Murmo, Gelinka dambe-na wuu wada Qadeeyaa…” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ugu baaqay xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI inay wax ka bartaan hannaanka dimoqraadiyadeed ee uu ku dhaqmo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

cukuse

Wasiir Cukuse oo hadal ka jeediyey xaflad qado-sharaf ah oo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey shalay hoggaanka KULMIYE iyo guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga talada haya iyo xubnaha guddida fulinta, waxa uu sheegay in KULMIYE nidaam dimoqraadi ah dhexdiisa u dodo, balse aannnu isku colaadin muranka iyo doodaha dhexsiisa ah.

 “Xisbiyada waxaannu leenahay wax ka barta xisbiga KULMIYE. Qolada saxaafadda waxaan odhanayaa kala barta KULMIYE, waayo KULMIYE galinka hore haddii uu murmo, galinka dambena wuu wada qadeeya.”

“Waxaan u mahad-naqaynaa Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaftan sameyey oo ugu talo-galay in uu ku casuumo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, gaar ahaan hoggaanka, Guddida Fulinta, Guddida Qabanqaabada.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.