Magacyada 4 Nin oo Ciidan Ethiopian ahi ka qaateen Coodanle, dil ka dhacay deegaankaas & Shirkii Qori-lugud oo aan weli hirgelin

Waa maxay sababta Ciidammada Itoobiya Coodanle uga qaateen Afarta Nin, halkee ayey-se geeyeen dadkaas?

Suldaanka guud ee Beelaha Habar-jeclo Muxuu ka yidhi Shir-nabadeed uu Gogoshiisa Qori-lugud dhigay oo uu ugu baaqay Beesha Buuhoodle, halkuuse ku dambeeyey shirkaasi?

Coodanle(Aftahannews):- Ciidammada dawladda Itoobiya, ayaa Afar Nin ka qaatay deegaanka Coodanle oo 36 KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Buuhoodle, sidoo kalena 184-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu ka tirsan tahay Deegaankaasi.

CIIDAMMO ITOOBIYAAN AH

Afartan Nin ee Ciidammada dawladda Itoobiya Duhurnimadii Khamiista ee 2-dii bishan April Tuulada Coodanle, ayaa Wargeyska Himilo helay magacyadooda, waxaanay magacyadoodu kala yihiin:- Cabdi Nuur Ismaaciil (Gadhle), Cabdi Muuse Kiciye, Qaasin Salaad Faarax iyo Sicid Ismaaciil Carab, kuwaasoo ay ku xidheen Degmada Balli-dhiig oo 13 KM dhinaca Galbeed ka xigta Coodanle, iyagoo labadaas magaalaba ku yaalla Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo labada Maamul mid weliba dhiniciisa joogo.

Sababta Afartan nin loo xidhay, ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho dil maalmo ka hor ka dhacay Tuulada Coodanle, kaasoo loo geystay Nin ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle, iyadoo cidda dilka u geysatayna ka soo jeeddo Deegaanka Qori-lugud ee gobolka Togdheer, dilkaasoo ku yimi aano u dhaxaysa labada Beelood ee kala dega Qori-lugud iyo Buuhoodle

Hase-yeeshee, markii sida la sheegay uu baxsaday qofkii dilka geystay, waxay Ciidammada dawladda Itoobiya oo Saldhig ku leh Tuulada Balli-dhiig qaadeen tallaabo ay Duhurnimadii Khamiista ku soo qabqabteen Afarta Nin ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin oo la sheegay inay isku beel yihiin cidda geysatay dilka dhawrka cisho ka hor ka dhacay isla Tuulada Coodanle oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Aanada keentay dilka toddobaadkii hore ka dhacay Coodanle, ayay dad si dhaw ula socday u sheegeen Wargeyska Himilo inuu daba socday dil bishii hore ka dhacay Deegaan ku dhaw Kalshaale, halkaas oo Xoolo-dhaqato ka soo jeedda Beesha Qori-lugud ay saddex Nin kaga dileen Xoolo-dhaqato iyaguna ka soo jeeda Degmada Buuhoodle.

Shir-nabadeed ay Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle isla qaateen Bishii hore inay yeeshaan, ayaan weli hirgelin, iyagoo aan Madaxda dhaqanka ee labada dhinac aan weli isu imannin. Inkasta oo uu Suldaanka guud ee Beesha Qori-lugud sheegay inuu Gogol-nabadeed dhigay Tuulada Qori-lugud. Haddana weli ma hirgelin shirkaasi, iyagoo Baaqaas ka dib Madaxda Dhaqanka ee Buuhoodle ay sheegeen inay aqbaleen ka qayb-qaadashada Shirkaas nabadeed, isla markaana isu-diyaariyeen imashada Qori-lugud.

Haddaba, si aannu wax oga ogaanno Shir-nabadeedkaas Gogoshiisa Qori-lugud la dhigay halka uu ku dambeeyey iyo waxa hakiyey, waxa uu Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka kula xidhiidhay Suldaanka guud ee Beelaha Habar-jeclo oo isagu shirkaas ku baaqay, waxaanannu wax ka weydiinnay halka uu marayo shirkaasi iyo waxa illaa hadda hor-taagan hirgelkiisa, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inuu xanuunsanayo oo aanu war ka haynin. “Adeer anigu waan xanuunsanayey muddo toddobaad ka badan, warna kama hayo halka wax marayaan oo ma joogo (Qori-lugud).” Sidaa ayuu ku jawaabay SuldaanSuldaan Cabdillaahi Suldaan Cali.

Geesta Buuhoodle, waxaannu isku daynay inaannu kala xidhiidhno Chief Caaqil Chief Caaqil Maxamed Xaaji Cumar Camay oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee ku baaqay nabadda, ayidayna Baaqa Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, hase-yeeshee, noomay suuragelin inaannu dhiniciisa wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo xidhan ama demsan dhawr jeer oo aannu xalay wacnay.

Balse waxa cad in shir-nabadeedkaasi aanu dhaqaaqin ee uu hakad-galay, laakiin illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta hakisay shirkaas oo labada dhinac ee Buuhoodle iyo Qori-lugud-ba qaban-qaabadiisu ka bilaabantay afar toddobaad ka hor.

Xigasho Wargeyska Himilo.