Hay’ad Xukuumadda Ka Dalbatay In Laga Furo Lambarkooda Cas Gaadhi ay Dawladda Ugu Deeqday

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxda Hay’adda Seve The Children Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka codsatay inay ka bedesho bilaydh lambarka ku xidhan gaadhi ay sanadkii hore Wasaaradaas ugu deeqday oo noociisu yahay Saruf,lamabarkeeduna yahay B.080.

gaari222

Shugri Xariir

sdfasdfsf

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa maanta Warbaahinta u soo bandhigtay Warqad qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyey Hay’adda Seve The Children Xasiiskeeda Hargeysa oo ka dalbaday inay ka beddelaan Bilaydh lambarka gaadhi ay Wasaaraddaas ugu deeqday 06,60 2012 sannadkii hore, kaasoo ay Hay’addu sheegtay inuu wali ku xidhan yahay lambarkoodii, isla markaana aan laga furin laguna xidhi kii Dawladda waxaanay hay,addu sheegtay inaanay gaadhigaas masuul ka ahayn haddii uu wax geysto ama uu shil galo isla markaana aan loo qabsan Karin.

Wasiir Shugri Xariir,ayaa geeteeda sheegtay in gaadhigaas in badan ay ka codsadeen ciddii gacanta ku haysay inay geyso Wasaaradda Hawlaha Guud isla markaana lagu soo xidhi lambarkii Dawladda laakiin lagala baxsaday balse imika uu yaallo xarunta daryeelka Caruurta ee Maxamed Mooge oo ay markii horeba ugu talo galeen in loogu adeego isla markaana ay hadda ku xidhi doonaan lambarka gaadiidka Dawladda sidiisii horena loogu shaqayn doono isla Xarunta Caruurta ee Maxamed Mooge.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.