Fannaan La Sheegay Inuu Ka Mid Noqday Baarlamaanka Soomaaliya Oo Somaliland Deeq Soo Gaadhsiiyey

“Warbaahintana waxaan leeyahay Farxaan wakaas oo waa uu caddeeyay inaanu ahayn Xildhibaan Soomaaliya ah…” Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland

 Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, ayaa maanta 400 oo Kubbadood oo Deeq ah ka guddoomay Fannaanka Farxaan Muuse Cigge (Farxaan-Xiddig), isla markaana dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya inuu Fannaanku noqday Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda booqasho ku jooga magaalada Hargeysa.

u_114418d_2013-10-28-16-57-39f_DSC06945-400x300Fannaanka ayaa maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay, halkaasoo duhurnimadii shalay ay kaga hor-tageen dad kala duwan oo isugu jiray Masuuliyiin golayaasha dawladda Somaliland ka tirsan, Ururrada bulshada iyo dad kale.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay inuu si niyad-sami ah uga guddoomayo Fannaankan Farxaan-Xiddig Deeqdan uu soo gaadhsiiyay, waxaanu Wasiirku yidhi; “Aad iyo Aad ayaan u soo dhaweynaynaa Farxaan-Xidig, Farxaan waa nin reer Somaliland ah, waa kaa isba caddeeyay inuu yahay nin reer Somaliland ah, markii dhawayd ee uu yimid, warar badan ayaa nala soo gaadhsiiyay oo la leeyahay Farxaan waa Xildhibaan ka tirsan Xildhibaannada Soomaaliya, meel walba telefoonno ayaannu u dirnay.”

“Markaa waxaa naloo caddeeyay inaanu Xildhibaan ahayn, waxaa jiray nin geeriyooday oo Xildhibaan ahaa oo reerkoodana ahaa, ninkaasna waxaa la yidhi; ‘waxa lagu beddalay nin reerkooda ah oo la yidhaahdo Cilmi, ninkanna waa nin Fannaan ah, waana uu nala soo hadlay waxaanu noo sheegay in uu dibedda uga soo wado dhalinyarada Somaliland Deeq Kubbado ah oo uu keeni doono.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo kulankii uu Deeqdaa ku guddoomay hadal ka jeediyey shalay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu Fannaankani wax xil ah ka qaban Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Annaguna waannu soo dhaweynayaa oo diyaar baannu kuu nahay ayaannu nidhi. Markaa, waxa weeyaan aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, waanan kaa guddoonnay, waxaana uu noo keenay Fannaanku 400 oo Kubbadood oo uu jeebkiisa kaga soo deeqay, waana wax tariikhda u galaya. Warbaahintana waxaan leeyahay Farxaan wakaas oo waa uu caddeeyay inaanu ahayn Xildhibaan Soomaaliya ah.”

Sidoo kalena Fannaan Farxaan Xiddig, ayaa sheegay inuu jecelyahay dalkiisa, isla markaana waxa uu si adag u beeniyay inuu xil siyaasadeed ka qabtay dalka Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.