KULMIYE Oo Ansixiyay Tirada Ergooyinka ka qeyb geli doona Shirweynahooda 3-aad

Hargeysa(Aftahanews):- Gudida Fulinta ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa shalay ansixiyay iskuna waafaqay tirada Ergooyinka ka soo qeyb-geli doona Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas oo ay u cayimeen inuu qabsoomo 25-ka bisha December ee fooda innagu soo haysa.

Xogyaha-kulmiye-Xasan-siciid-3-238x300-238x300

Waxa Shirweynaha KULMIYE ka soo qeyb-geli doona 801 Ergay, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa fiidkii soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaanu u qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta (shalay) gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga wadahadlay tirada guud ee Ergooyinka ka soo qayb-gali doona Shirweynaha 3aad ee Xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn ka dib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacan-taag ah ku ansixiyeen in tirada Ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.