“Geeridii Tima-cadde Waxaannu U Haysannaa Dowladda Inta Ay War Cad Kasoo Saarayso…” Mas’uul u hadlay Telefishinka Universal

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxa Universal TV ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika, Cabdillaahi Xirsi Kulmiye oo la hadlay Warbaahinta Aaskii Weriye Tima-cadde, ayaa sheegay in geerida Weriyaha ay u haystaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay tunka ku dhagannaan doonaan tan iyo inta ay war cad kasoo saarayso.

DSC01559

Kulmiye ayaa shalay sheegay in dowladdu ay iyadu ballan-qaaday ammaanka Weriyeyaasha iyo shacabkeeda, iyaguna aanay ku qanci doonin oo keliya in la cambaareeyo, laakiinse ay doonayaan inay dowladdu gacanta ku soo dhigto kuwii dilka wariyaha geystay. “Geerida Tima-cadde waxaan u haysannaa dowladda, inta ay war cad kasoo saaraysana kama harayno tunka ayaan ku dheggenaan doonnnaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxa Universal ee Xafiiska Muqdisho.

Sidoo kale, Mas’uulkan wuxuu sheegay isagoo dhaaranaya inaanay aqbalayn in madaxdu ay cambaareeyaan dilalka Weriyeyaasha oo keliya, balse ay ka doonayaan inay soo qabtaan kuwii dilka Tima-cadde geystay ayna sharciga horkeenaan.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud (Tima-cadde), ayaa u geeriyooday habeen saddexaadkii dhaawac ay toddobaadkii hore u geysteen kooxo hubeysan Tallaadadii lasoo dhaafay xilli uu ku socday goobtiisa shaqada, iyadoo kooxaha dhaawiciisa geystayna ay goobta ka baxsadeen.

“Wallaahi kuma qancaynno cambaareyn laga sheego warbaahinta oo keliya, oo welina aan ognahay inaysan iyagu qorin ee ay qoraan xoghaynnadooda, balse waxaan ka doonaynaa madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga inay sharciga horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha.” ayuu Kulmiye ku sheegay hadalkiisa.

Dhanka kale, Mas’uulkan ayaa hadalkiisa ku sheegay in maalin walba la duugo Weriye, Saxaafadduna aanay dhaafin waxaa dishay kooxo hubeysan oo aan la garanayn, madaxda dowladduna aanay dhaafin cambaareyn oo keliya.

Hadalka Mas’uulkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee uu jeedo mas’uul ka tirsan warbaahinta Soomaalida, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka bixin hadalka mas’uulkan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.