Xidhiidhka Talyaaniga iyo Somaliland oo bilaabmay

Hargeysa-(Aftahannews)-Tabobar Heer Caalami ah oo qaban-qaabadiisa ay iska kaashadeen jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacad ku taalla waddanka Talyaaniga, ayaa maanta  xarunta Jaamacadda  Hargeysa uga furmaya wakiillo ka socda Lix waddan oo ku yaala Mandaqadda Bariga Afrika oo Somaliland ku jirto.

Tabobarkan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee Somaliland lagu qabto isla markaana lagaga hadli doono Horumarinta Nababadda oo socon doona muddo lix maalmood ah,  waxa furitaankiisa shalay u soo gaadhay magaalada Hargeysa Safiirka Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli oo sidoo kale kulamo la qaadan doona masuuliyiinta dawladda.

Safiirka oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxa qaabilay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md Mowliid Maxamuud Ibraahim iyo Agaasimaha Protokolka Wasaaradda Axmed Suudi.

 italy

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mowliid iyo Danjire Marcelli oo si-wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka Safiirku xambaarsan tahay laba qodob oo midkood la xidhiidho furitaanka tabobarka maanta ka furmaya jaamacadda Hargeysa.

“Wuxuu safiirku u yimi inuu in laga wada-hadlo cilaaqaadka Somaliland iyo Talyaaniga. Waxa kale oo uu u socdaa inuu furo tabobar ku saabsan horumarinta nabadgelyada oo jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacad ku taala Talyaanigu wada-qaban qaabiyeen oo Berrito (Maanta) aanu furi doono, waxaana ka soo qayb-gali doona dawladaha ku yaala mandaqadda sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Talyaaniga laftiisa,” Sidaa waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Danjire Fabrizio Marcelli oo socdaalkiisu yahay markii u horeysay ee uu yimaaddo Somaliland, ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono masuuliyiinta dawladda Somaliland si loo kobciyo xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood.

“Waa markii u horeysay ee aan yimaaddo Somaliland. Waxaan rejaynayaa inaan kulamo la qaato madaxda Somaliland si aanu uga wada-hadallo xidhiidhka laba geesoodka ah. Sida laga warqabo, dawladda Talyaanigu waxay halkan (Somaliland) ka fulisaa mashaariic dhinaca Caafimaadka iyo tabobarro, waxaanan rejaynayaa inaanu gacan ka gaysanno kobcinta iskaashiga naga dhexeeya,” sidaas waxa  yidhi Safiirka Talyaaniga Fabrizio Marcelli.