Reer Burco oo Mudaharaad ku taageeray Go’aan Culimada iyo bulshada ka soo go’ay

Burco (Aftahannews) Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aan Culimadda reer Burco iyo aqoonyahanku ka soo saareen Kooxo maafiyo ah oo la yidhaahdo Tiens ,kuwaasi oo sifo aan la garanayn dhaqaale urursi Burco uga waday mudooyinkii u danbeeyay.shirkad oo lagu Magacaabo TIENS kuwasoo dhalinyaro Hablo iyo inamo ah ka Gurta Lacag una sheega in Fiisayaal dalxiis iyo Ganacsi ay siinayaan,kooxdan ayaa waxay dhalinta siisaa dawooyin yaryar iyo kiriimo ay ku sheegaan inay dawo tahay isla waxay kale oo Bixiyaan waxay ku sheegaan in raashinka lagaga maarmayo.

Sidoo kale dadweynaha reer Burco ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay gaar’ahaan Wasaaradda arimaha gudaha in ay albaabadda u laabaan Shirkadani oo dawooyin aan wasaaradda Caafimaadka soo marin  dadka siisa ,dabadeed-na lacago ka qaadata ,isla markaana tidhaahda debedaha ayaanu idiin dhoofinaynaa.
Aqoonyahan Axmed Cige Maxamed ayaa isagu yidhi”waa in kooxdan laga qabto Bulshada Hore ayuu Badhasaabku u xidhay oo afkiisa ka sheegay inuu Furihii qafilka uu ku xidhay uu hayo oo uu soo xidhay qaabka lagu Furayna wali ma hayno,
Xamse Cismaan ayaa isna yidhi” kooxdan halaga qabto dalka waxaanan dawlada Madaxwayne Axmed Maxamud ugu baaqaynaa inay Bulshada ka qabato,waxaana la arki doonaa
Cabdiraxiin Axmed Maxamed oo arintan ka hadlaaya ayaa yidhi “ Anigoo ku hadlaaya afka dhalinyaradan xaafadda Abudabay ee Burco ,waxaanu ka soo horjeed-naa kooxaha Tiens ,oo magaalada keenta daawooyin aan la garanaynin oo dadka ka iibinaaya ,waxaananu taageeraynaa baaqii culimadda gobolku ku baaqeen in Shirkadda gabi’ahaanba la xidho.Waxaanu ugu baaqaynaa xukumada madaxwayne silanyo iyo wasaradaha ay qusaysaba inay albaabada u labaan dhamaanba xafiisyada shirkada tians ee gobalka togdheer”.S2830001

Sheikh Cabdilaahi Xuseen oo isna ka mid ah dadweynaha reer Burco ayaa yidhi “ waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa barnaamijka Culimadda gobolka Togdheer ay ku baaqeen in bulshadda laga qabto dadka dawooyinkaa aan la garanayn iibinaaya ee Tiens loo yaqaan ee Burco xafiisyadda ku leh kuwaasi oo dadka xiitaa lacago ay ku sheegeen in ay dhoofinayaan ka qaata ,mida kale Shirkadani waxa u shaqeeya oo Burco lagu arkay dad dhaqan xumadda faafiya oo xaafadaha magaalada wada yaqaanaan ” ayuu Yidhi Sheikh Cabdilaahi Xuseen
C/Laahi Xuseen Kaahin Oo isna ka Mid ah Gnaacsatada Gobalka Togdheer oo isaguna dhankiisa ka hadlay dhibta iyo hagardaba ay shirkada tians ku hayso bulshada gobalka togdheer ayaa waxa ka mid ahaa hadalidisii sida tan
” Aad baanu u soo dhawaynaynaa baaqii ka soo baxay culimada gobalka togdheer waxaanu xukumada talada haysana ugu baaqaynaa inay talaabo degdeg ah ka qaado shirkada tians oo ay sharciga la tiigsato masuuliyiinta shirkadani ee gobalka togdheer,waxaanu shirkadani Tians u aragnaa inay tahay mashrucii jifoo jaq ee hore loogu dhacay shacabka reer somaliland xukumada talada haysa waxaanu leenahay umadda ka soo gaadha oo talaabo degdeg ah ka qaada” ayuu yidhi ganacsade C/Laahi Xuseen Kaahin
Badhsaabka ayaa xiligii uu xidhay sheegay inay shufto tahay waxaanu xiligaas  hadalkiisa ku bilaabay”Meeshaas waan xidhay,waayo waanu garan waynay, dabadeed mudo ka dib baan arkay iyadoo furan ,waraaqo iyo dhukmantis baan idhi ii keena waxba iimay keenin,waana arin aad iyo aad u fool xun,waanan xidhnay ,Ganacsi halkaas ku jiraa wuxuu noqday waxaan ganacsigii caadiga ahaa ahayn,Ma khamaar baa,ma jiifoo jaqdiibaa,waxay odhanayaan shan iyo labaatan doolar keen min bar shiib baa lagu siinayaa,laba Boqol oo dawo ah iibso intaas oo kalena keen oo dad ah,waxa la siinayaana waa kiniin yar iyo kiriim,markaas wasaaradii ganacsiga iyo tii caafimaadkaba waraaqo ayaan u qoray oo waxaan idhi kasoo war bixiya,Hargaysana way ka furan tahay dalka meelo badan bay ka furan tahay,dawlada hoosena waxaan ku idhi qaful saara  cidii danbe ee furtana waanu xidhaynaa,Ganacsigaas wax xaaraan ahbaanu aragnaa,wax sharci ah oo ay haystaan baanu u ragnaa.ayuu badhasaabku hadalkiisa kusoo xidhay.
dhanka kale Mar aanu maanta tagnay xafiisyadadooda ay TIENS ku Magaalada Burco ku leeyihiin mid ka mid ah ayay ka warwareegeen inay na tusaan wax sharci ah.

Ugu Danbayntii dhawaan ayay ahayd Markii uu Badhasaabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Uu Albabada u Laabay Dhamaanba Xafiisyadii ay Shirkadda Tiens ku Lahayd Magaladda Burco isla Markaasna Maalmo Yar ka Dib ay Masuuliyiinta Maamulka Gobalku ay Dib u Fureen Xafiisyadaasi,Waxaana ilaa iyo imika Aan la Garayn Sababta Kaliftay inuu Xafiisyadaasi ay Xidhnadaan Maalmo Yar ka Dibna Dib Loo Furo.
waxaana sii xoogaysanayaa qaylada ay dadwaynaha reer Burco ka bixinayaan kooxdan ilaa iyo hadan jawaab cad kamay bixin dawlada somaliand.
badhasaabka oo aanu siku daynay inaanu wax ka wadiino ayaanay noo suura galinmoobilkiisa oo uu naga qaban waayay awgeed.