Maxkamad ku taala Jazeerada Malta, oo laba sano oo xadhiga ku riday nin Soomaali ah

Malta-(Berberanews)-Maxkamad ku taala Jazeerada Malta, ayaa waxay laba sano oo xadhiga  ku riday nin Soomaali ah, ka dib markii lagu helay inuu u cago jugleeyay laba qof oo dumar ah, kana tirsan Booliska Malta.

Maxkamadda, ayaa waxay sheegtay in C/fataax Cabdi oo 20 sano jir ah in uu isku deyay, waxyeelo uu u geysto Booliska, maalintii shalay, isla-markaana ay Maxkamaddu ka bixisay jawaab deg deg ah.download

Maxkamadda, ayaa sheegtay in C/fataax uu dhegxaan ku weeraray Booliska, xilli ay wateen gaadhi ay Ciidamada Boolisku leeyihiin.

Boolisku waxay sheegeen inay isku deyeen in C/fataax ay ka hor dhaqaajiyeen haweeney uu murun ka dhaxeeyay, taasina ay keentay cadhadii uu u qabay in Boolisku uu kala dul dhaco.

C/fataax, ayaa Maxkamadda ka hor qirtay in uu dembi galay, xilli Boolisku ay ka shaqeynayeen xasiloonida.