Xubno Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Rabay Inay Buuxiyaan Jagooyin Ka Bannaanaa Guddida Fulinta Oo Laysku Afgaran Waayay

Hargeysa(AN):-Hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayay wali u socdaan shirar loogu diyaar-garoobayo qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga oo loo asteeyay 25/12/2013,  isla markaana waxaan illaa hadda hoggaanka Xisbigu isla-meel-dhigin Guddiga qaban-qaabada Shirweynahaas oo uu toddobaadkan magacaabay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

KAAHIN IYO BIIXI00002

Sida ila-wareedyo ka ag-dhaw hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Shirarka u socday maalmahan ay Wargeyska Somalilandtoday xalay u xaqiijiyeen in hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE wali isla-meel-dhigin qodobbo muhiim u ah qabsoomidda shirweynaha Xisbiga, qodobbada ugu mihiimsan ee aan wali laysla qaadan ayay ka midyihiin, ansixinta Guddida qaban-qaabada shirweynaha, kuwaasoo aanay ansixin Guddida fulinta. Sida Xeerka Xisbigu dhigaayo marka hoggaanka Xisbigu soo xulo Guddida qaban-qaabada waxay u baahan yihiin ansixinta Guddiga fulinta ee Xisbiga.

Waxay ila-wareedyada Wargeysku soo xigtay intaa ku dareen in hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddida fulintu u ballameen ansixinta Guddida qaban-qaabada shirweyanaha iyo sii anba-qaadka shirarkaas maalinta Salaasada ah ee 22-ka bishan aynu ku jirno.

Geesta kale, sida ay ila-wareedyada Somalilandtoday Warkan ka helay tilmaameen, waxaan wali laysku afgaran buuxinta jagooyin ka bannaan Guddida fulinta Xisbiga, iyadoo hoggaanka KULMIYE xubno ka mid ahi soo qoreen liis lagu buuxinayo jagooyinkaas, balse layslama qaadan, iyadoo xubno kale oo Madaxda Xisbiga KULMIYE ka mid ahi ku doodeen in aanay buuxin karin xubnahaasi lasoo xulay jagooyinka bannaan, maaddaama oo aanay soo marin jaran-jarooyinka ka horreeya buuxinta Guddida fulinta.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, uu mararka qaar doodo cadho leh ka dhiibanaayay shirarkaas iyo kulammada ay hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddida fulintu yeelanayeen oo uu ugu dambeeyey kulan xalay qabsoomay. Wararku ma caddaynin illaa hadda halkay daarnayd cadhada la sheegay inuu muujiyay Maxamed Kaahin iyo dareenka ku dhaliyay toona, hase-yeeshee, waa dood siyaasadeed iyo caadkeed in mararka qaar siyaasiyiintu is-dhaafsadaan weedho kulul.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige oo Wargeyska Somalilandtoday Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey halka wax-marayaan, ayaa sheegay inuu isagu taageersan yahay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, taasoo uu sheegay in sharciyan ay shaqayn karto marka ay Guddiga fulintu ansixiso. Hase-yeeshee, wuxu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo qodobbada la sheegay in hoggaanka Xisbigu isku mari la’yahay iyo waxa aan weli loo ansixin Guddiga qaban-qabaada.

Jaamaca-Shabeel oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay inuu ka mid yahay Musharrixiinta u tartamaysa hoggaaminta Xisbiga KULMIYE iyo in kale waxa uu si kooban ugu jawaabay; “Waxaan ku leeyahay war jiraaba cakaara ayuu iman waana la arki doonaa.”

Sidoo kale, Jaamac-Shabeel oo ka jawaabayay inay jiraan Musharrixiin kale oo uu ka war qabo iyo Guddiga qaban-qaabada siduu u arko waxa uu ku jawaabay; “Gudigga qaban-qaabada ee la soo magacaabay waan ku taageer sanahay waanan la qabaa hoggaanka Xisbiga. Laakiin, waxay shaqaynayaan uun marka Guddiga fulintu ay ansixiyaan, mana ogi Rag kale oo sharraxan. Laakiin, wixii jiraba waa la arki doonaa, Guddiga qaban-qaabanadana waxaa soo magacaabi kara oo keliya Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac-Shabeel oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa miyaan qalad loo arkayn marka ay Guddigii uu soo xulo Musharrax u tartamaya hoggaanka Xisbiga iyo jagada madaxtinnimo, waxa uu yidhi; “Xeerka ayuun-baa la raacayaa, Xeerkuna wuxuu u fasaxayaa Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennadiisa. Laakiin, wax intaa dhaafsiisani ma jiraan, Guddiganina waxaan ahayn qaban-qaabada shirka ma qabanayaan.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaan doonaa Salaasada Berri qaabka ay u dhacdo ansixinta Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga, waxaana loo badinayaa in lagu soo qaado shirkaas buuxinta jagooyinka ka bannaan Guddida fulinta iyo qodobbada kale ee muhiimka u ah habsami-u-socodka hawlaha u diyaar-garawga Shirweynaha Xisbiga oo hore loogu cayimay 25-ka bisha 12-aad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2013-ka.