Basaasidda Maraykanka oo Saamaysay waddanka Spain

Madrid(Aftahannews):- Warbaahinta dalka Spain, ayaa shaacisay warar sheegaya in Sirdoonka Maraykanku ay muddo bil gudaheed ah ku dhageysteen Telefoonnada 60 Milyan oo oo ruux oo ku nool dalkaas.

131018093917_edward_snowden_464x261_afp_nocredit

Wargeysyada dalkaas ka soo baxaa waxay sheegayaan in faahfaahinta wararkani ay ka heleen qoraallo uu shaaciyay ninka baxsadka ah ee ka tirsanaan jiray Sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Spain ayaa u yeedhay Safiirka Maraykanka u fadhiyo Madirid, waxayna ka wada hadli doonaan eedeymahan ugu dambeeyay.

Warkan ayaa soo baxaya, iyadoo Baarlamaanka Midowga Yurub la filayo in uu kulan la yeesho Mas’uuliyiinta Nabad-sugidda ee Maraykanka iyo xubno ka socda aqalka Kongres-ka.

Waxay ka wada hadli doonaan wararka sheegayo in Maraykanka uu basaasay madaxda iyo dadweynaha reer Yurub.

Hogaamiyaha Jarmalka Anjela Merkel, ayaa iyaduna Washington u dirayso saraakiil ka socota Sirdoonka dalkeeda ka dib wararka sheegayay in Sirdoonka Maraykanka ay telefoonkeeda gacanta dhagaysanayeen muddo 10 sano ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.