Samaale Oo Jeediyey Hadal Uu Muuse Biixi Ku Beer-laxawsanayo

“Hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Kulmiye intii aanu Xajka ku maqnayn nin dareen Kulmiyeah leh oo Xukuumadda maanta jirta jeceli wuu ku farxay xaqiiqatan….”  Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale

 Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa jeediyey hadallo dhadhan ahaan u muuqday Beer-laxawso uu ku soo jiidanayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu ka dhexeeyo loollan ay ugu wada-jiraan hoggaaminta iyo musharraxnimada jagada Madaxweyne ee Xisbigaas.

index

Cabdicasiis Samaale waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay kulan shalay hoggaanka Kulmiye la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanu Wasiir Samaale, sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka noocan ah oo uu sheegay inuu muujinayo, isla markaana markhaati ka yahay sida Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu isugu duuban yihiin. Sidoo kalena wuxuu hambalyeeyay guddida qabanqaabada shirwaynaha Kulmiye, wuxuuna sheegay inuu ku qabo kalsooni buuxda.

Wasiir Samaale oo ka hadlaya sida uu Guddiga qaban-qaabada u soo dhawaynayo waxa uu yidhi; “Waxaan hadalkayga ku bilaabayaa inaan dhismaha guddida qabanqaabada shirwaynaha Hambalyeeyo oo aan boqolkiiba boqol taageersanahay, oo aan kalsooni 100% ah ku qabo 27-ka xubnoodba, waana rag intooda badan aasaaskii xisbiga soo wada haynay, inta kalena ay yihiin rag halgamaaya oo ururradii hadhay innagaga soo biiray, waa rag kalsooni 100% ah aan ku qabo weeye, oo aynu ku wada qabno, waa rag aan shakhsi u shaqeyn dooninoo ummadda danteeda iyo xisbiga dantiisa ka wada shaqeyn doona, waxaanan qabaa inay yihiin dadkii Munaasibka ku ahaa.”

Wasiir Samaale, waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi; “Sida walaalkay Muuse Biixi sheegay, xisbiga Kulmiye waa xisbi halgan dheer soo maray, dhammaanteena waynu la wada soconaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Muhiimada samirku leeyahay, isaga oo tusaale u soo qaatay wakhtigii Madaxwayne Siilaanyo 80-ka cod kaga tagay doorashadii Madaxwaynenimo ee 2003-dii.”

“Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ina hor fadhiya oo ah Madaxwaynihi dalka ah, doorashadii dhacday 2003-dii bishii April, 80 cod ayaa lagaaga guuleystay ayaa la yidhi, nin aan dadkiisa iyo dalkiisa u tudhaynin muu caqbaleen natiijadaasi, waynuna ognahay waxyaabaha ka dhaca adduunyada, haddii ay tahay Afrika iyo waddamada horumarayba, kumanaan iyo Malaayiin cod ah ayaa la isku dilaa oo aan lagu caqbalin natiijooyinka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

“Laakiin, isaga (Madaxwayne Siilaanyo) dalkiisa iyo dadkiisa u tudhaya ayuu aqbalay oo uu Madaxwaynenimadiisii ku waayay, 8 sannadoodna wuxuu sugayey in doorasho labaad dhacdo oo uu tartamo oo uu nasiibkiisa ka qaado, doorashadii labaad ee Madaxwaynuhuna waxay ahayd 2010-kii, wuuna ku guuleystay ILLAAHAY Mahaddii oo aynu dhammaanteen garab iyo gaashaan u ahayn, waxay inna tusaysaa bisaylka siyaasadeed iyo samirka iyo inaad dantaada shakhsiga ah ka hor-mariso danta guud ee ummaddaada, waana taa ILLAAHAY u qaddaray ee uu dalka Madaxwaynaha ka yahay, ILLAAHAY-na ha u fudeydiyo xilka uu hayo.” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxa uu bogaadiyey hoggaanka Kulmiye, waxaanu yidhi; “Hoggaanka Xisbiga oo sameeyay xil-kasnimo, waayeelnimo, samir iyo isku ladhitaan dadka ah, waan ku barbar taaganahay, hawlaha soo socdana inay si walaalnimo ah inoogu dhammaan doonaan ayaanu qabnaa, inay ku dhammaan doonaan si farxadi ku dheehan tahay ay ku dhammaan doonaan ayaanu qabnaa” ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Bal u fiirsada, xisbiga Kulmiye 8 sanadood ayuu Mucaarad ahaa ilaa 2010-kii oo uu doorashada ku guuleystay, muu burburin. Laakiin, Xisbigii UDUB way u suurto-galiwayday in markii ururradii la furay inuu tartankii galo, Kulmiye waxaanu aaminsanahay waa xisbi bisil oo aanay waxba yeelayn tartanka dhexdiisa yaalaa.”

Wasiir Cabdicasiis Samaale, wuxuu amaanay hadal Guddoomiyaha Kulmiye jeediyay habeenkii lagu dhawaaqay guddida qabanqaabada shirwaynaha Kulmiye. “Hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Kulmiye intii aanu Xajka ku maqnayn nin dareen Kulmiye ah leh oo xukuumadda maanta jirta jeceli wuu ku farxay xaqiiqatan.”ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.