Soomaali oo loo diiday inay galaan dalka Ugaanda oo Ammaankiisa aad loo adkeeyey

Kampala(Aftahannews):- Soomaali fara badan, ayaa dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay laga soo celiyay dalka Uganda, ka dib markii ay waayeen cid damiinata, isla markaana ay sheegi waayeen goobta ay rasmi ahaan u socdaan sida la sheegay.

937432

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda, Abuukar Garweyne ayaa BBC-da u sheegay shalay in dadkaas oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Carruur dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

“Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Entebbe, waxaana arrintan kala hadalnay hay’adaha ammaanka Uganda, waayo innagu waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaaliya ka imaanaya.” ayuu yidhi Abuurkar Garweyne.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay inaanay ogeyn sababta dadkaas loogu diiday inay dalka Uganda soo galaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan dadaallo ay arrintaas kaga hortagayaan. “Waxaan sameynay Xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaalida ah ee dalka Uganda imaanaya, markii qofka laga soo qaado garoonka waxaa la keenaa Xafiiska, halkaasoo lagu diiwaan-geliyo, kii waxbarasho u socday, kii arrimo qoxootinimo u socday iyo kii caafimaad u socday intaba.” ayuu Garweyne ku daray hadalkiisa.

Xukuumadda Uganda ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ka geysanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa bishii hore weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall oo ku taalla magaalada Nairobi, taasoo keentay in ammaanka dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya aad loo adkeeyo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.