Wargeyska the Guardian Oo Soo Bandhigay Fadeexad

London(AN) Wargeyska The Guardian oo ka mid ah Wargeysyada kasoo baxa Magaalada London ee cariga Ingiriiska, isla markaana safka hore kaga jira

 

kuwa ugu caansan dalka Britain, ayaa shaaciyay in uu helay macluumaad sir ah oo lagu oggaaday in Sirdoonka Mareykanku ay dhageysteen Teleefonada ay ku hadlaan 35 hogaamiye oo u badan hogaamiyeyaasha wadamada Yurub ugu tunka weyn.

Macluumaadka iyo Xogta cusub ee uu Wargeysku faafiyay ayaa qeyb ka ah macluumaadyo uu hore u faafiyay  Ninka lagu magcaabo Mr. Edward Snowden oo ka mid ahaa shaqaalaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka, kaas oo dhowr bilood ka hor ka baxsaday dalka Mareykanka, islamarkaana isku dhiibay dalka China, balse waqtigan ku sugan wadanka Ruushka.

Madax iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Aqalka cad,wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Gaashaandhigga iyo hey’addo kale oo Dowladeed ayay warbixintu tilmaameysaa inay xidhiidho  la sameeyeen Sirdoonka Mareykanka,  islamarkaana ay u gudbiyeen Liiska Teleefonada ay hayaan ee madaxda Dowladaha Caalamka si ay CIA-du u dhageysato ulana socoto dhaq dhaqaaqooda iyo macluumaadka ay is dhaafsanayaan madaxdda qaarada  Yurub intooda badan.

Guardian-(AN)-Mas’uul sare oo mareykan ah oo magaciisa aan la sheegin ayaa warbixintu sheegtay inuu  u gudbiyay CIA-da Liiska in kabadan 200 oo Teleefon oo ay  ku jiraan 35 hogaamiye oo Caalami ah, taas oo u fududaysay Hey’addaha Sirdoonka Mareykanku in  ay billaabaan kormeeridda iyo dhageysiga xoggaha ay ku hadlaan madaxdaas.

Dhinaca kalena Wargeyska The Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa isna daabacay in madaxda Midowga Yurub ay si weyn uga cadhoodeen wararka sheegaya in Sirdoonka Mareykanku ay dhageysteen Teleefonnada ay ku hadlaan mas’uuliyiinta Dowladaha Caalamka gaar ahaan kuwa wadamada Yurub, waxaana Wargeyska uu saadaaliyay in arrintaas ay saameyn ku yeelan karto xidhiidhka u dhaxeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay  la shaaciyay in Sirdoonka Mareykanku ay dhageysteen xogta iyo macluumaadka ay is dhaafsadeen Malaayiin ku sugan gudaha dalka Faransiiska, taas oo keentay in Faransiisku ay si deg deg ah ugu yeedhaan Safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Paris si wax looga weydiiyo dhacdooyinkaa oo mudooyinkii u danbeyay soo noq-noqonayay, tan iyo markii Ninka lagu magcaabo Mr. Edward Snowden oo ka mid ahaa shaqaalaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka uu ka baxsaday dalka Maraykanka.