Ururka SOLJA: 11 Sano Jir La Hagaasinayo! Qallinkii A.A. Asporo

Urrurka ay ku bahoobeen  Saxafiyiinta Somaliland ee Solja waxa la aasaasay badhtamihii Sanadkii 2003-dii, oo imika laga joogo 11Sanadood. waxa uu weli u eg-yahay mid ay liciifiyeen diif iyo dar-xumooyin badan oo dhalisay inuu raad barad ka gudbi waayo intaas oo gu’. Iyadoo  duruufo Maamul xumo iyo dib u socodnimo ku lammaan yihiin illaa dhalashadiisii ku gedaaman yihiin dhismihiisa ilaa waaggaas la soo bilaabay.
CABDIQANI ASBAROO AFTAHANNEWS
SOLJA waxa ay ahayd fikir iyo tallo-ururin ka dhalatay baahiyaadka guud ahaan Saxaafadda Somaliland iyo sidii loo midayn lahaa inta ku shaqaysa mihnadda Saxaafadda,isla markaana ay u heli lahaayeen meel xuquuqdooda asaasiga ah ilaalisa kana shaqaysa horumarka iyo danaha Saxafiyiinta.
 
Waxa xusid mudan  inaan magaciisa xusno ALLE qabriga ha u nuuree Marxuum-Muuse Aadan Yuusuf, oo ka mid ahaa suxufiyiintii horu-socodka jeclaa oo markaas ahaa Guddoomiyihii wargeyska Dawladda ee MAANDEEQ, ayaa muddo saddex bilood ku dhow waxa uu marti-geliyay odayaashii Saxaafadda ee loo bidayay aqoonta iyo khibradda, waxaana xafiiskii ku dhex yaalay xarunta madbacadda qaranka uu jeebadiisa ka bixin jiray dhammaan wixii kharash ahaa ee galayay aasaaskii Ururka, waxa uu xiligaasi oo duruufuhu iyo haynteennu intan ka hooseysay uu bixin jiray kharashka dadka ururka ka saacidayay sharci qorista, furdaaminta hawlaha kale ee urur la aasaasayaa markaasi u baahan yahay oo dhan.
 
Urrurka Saxaafiyiinta Somaliand ee Solja, waxa ay masuuliyadoodu ahayd inay abuuraan oo ay raadiyaan barnaamijyo sarre loogu qaadaayo Aqoonta Suxufiga iyo Saxaafadda si loo koriyo loona kaalin geliyo maxsuulka waxsoo-saarka saxaafadda curdinka ah ee wadanka.
 
11-kaasi sannadood waa wakhti dheer oo wax badan lagu qaban karayay, waayo waa afar kun iyo shan iyo toban maalmood, miyaanu inankii/inantii maalintaas dhalatay aanay qaan-gaadh ku dhowayn. Yeelkeede’ ma wada odhan karo waxba lama qaban. Waxay SOLJA iyo Hoggaankeedu ka adag yihiin inay qeylooyin dhaadheer dunida iyo gobolkaba ka ridaan marka suxufi jeelka la dhigo. Aan idhaahdo taasiba waa tallaabo aanay saxaafaddu haysan 11 sano ka hor.
 
Dib u dhac ku yimid ururkii saxaafadda waxa caqabadaha haysta aan wax ka saarayaa suxufiyiinta laftooda iyo dawlada wadanka ka jirta oo intaas isku shuqusha inay galaan-gal iyo gacmo dhaadheer ay ku yeelato ururkan oo dhinaceeda haddii ay xakamaha u sii dayso ku noqonaya mid saamayn weyn ku yeesha rayul caamka dunida.
 
Haddaba, maxay yihiin sababaha ugu wacan in urrurka Saxaafiyiinta ee Solja uu noqdo mid fadhiid ah oo ka gaabiya hawlihii loogu talo-galay inuu ka shaqeeyo?. Waxaan odhan karaa waa dhowr arrimood oo bilowgii horeba ka leexiyey inay abbaarto Masuuliyadihii loo aasaasay. 
 
Qoddobka koowaad waa Masuuliyiintii isaga dambeeyey hogaanka sare ee Solja oo dhammaantood ahaa Niman u jan-jeedha dhinaca Siyaasadda oo mar walba u kala olalaynaya aragtiyaha siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee Muxaafidka iyo Mucaaridka, waana mid ka mid ah arrimaha Curyaamiyey in Solja hesho hoggaan toosan oo lagu tanaado, isla markaana horseed u noqda dhaqaajinta hawlaha iyo himilooyinka baaxadda leh ee Solja hor-yaalla.
 
 Arrinta labaad-na waa Xirfadleyaasha ku hawl gala mihnada saxaafadeed oo ay ahayd inay si wadajir ah ugu Midoobaan Solja oo loo kala qaybiyey laba garab oo kala ah Saxaafadda madaxa-banaan iyo Saxaafadda dawliga ah, taasina waxa ay dhalisay in isku aragti laga noqon waayo Solja iyo jiritaankeedabba, waa mukhkulad keliftay inay labadani is laba jaan-qaadi kari waayaan oo danahooda si guud uga midaysnaan waayaan.
 
Waxa aad arkaysaa Saxaafiyiin tiro badan oo aaminsan in aanay Solja ahayn Dallad midaysa guud ahaan Saxaafadda Somaliland, waxaana taas u daliila Xirfadleyaasha ka hawl-galla xarumaha warbaahinta saddex meeloodow laba meelood ahaan hadaanay ka badnayn-ba kama diiwaan-gashana urrurka Solja, waana sabab kale oo caqli gal ah oo wiiqday shaqadii urrurkaas yar ee maalin-ba qofka joogaa uu kula shuraakoobo Xukuumadda markaas jirta oo dano isaga u gaar ah uu kaga bedesho habacsanaanta urrurka suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
 
Waxaana cad inay hagaasinayso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah tii Xukuumadaha Somaliland soo maray tacaddiyada ugu badan afarta sano iyo bilaha ay jirtay kula kacday Suxufiyiinta Madaxa-bannaan iyo xayiraadda Hay’adaha Warbaahinta dalka, waxaanay dhaqdhaqaaqyada ay ku hagaasinayso u adeegsanaysaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse oo maaddaama oo uu Suxufiyiinta ka tirsanaa uga faro-dhuudhuuban xidhiidhka Weriyeyaasha iyo kala fur-furka iyo isku dhufashada Suxufiyiinta kala duwan ee ku midaysan Ururka SOLJA, iyadoo Xukuumaddu doonayso in SOLJA gacanteeda galo amaba uu burburo.
 
Qormadda labaad waxaan si hufan oo hubsiimo leh aan akhristeyaasha ula wadaagi doonaa Hoggaankii ururka iska dumaalay mudadaasi mid waliba waxa uu qabtay.
La Soco………………………………..
A.A.Asporo
Asporo23@gmail.com.