Talooyin ku Socda Madaxweynaha Somaliland, Qallinkii: Axmed Cilmi (Hilane),Hargeysa

Talooyin ku Socda Madaxweynaha Somaliland

Qallinkii: Axmed Cilmi (Hilane),Hargeysa
Berberanews-Haddii aan ka jawaabo su’aasha ah ‘Maxaa xukuumadda u qabsoomay, maxaase ka qabyo ah? Waxaan odhan karaa waxa inoo qabsoomay wax badan, qaybo badanna way jirtaa. Qabyada jirtana waxa lagaga bixi karaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) uu raaco talooyinkan hoos u qoran:
Waa in xukuumaddu la timaaddaa siyaasad baahsan oo qancisa bulsho-weynta Somaliland, taas oo ah  Golaha Wasiirrada oo loo baahan yahay in aan isku beddel ku samayso, sidii aad hore ugu samaysay badhasaabadda gobollada oo dadweynaha Somaliland aad ugu diirsadeen, soona dhoweeyeen, iyadoo ay golaha xukuumadda  ku jiraan wasiirro aaminsan in aanay weligod dhacay amma aan la eryi karin, waliba iyagoo ah kuwa ugu waxqabadka liita, marka loo eego isku xidhka beelaha ay ka soo jeedaan iyo xukuumadda, isku soo dhawayn iska daayoo waxay colaad ka dhex wadaan xukuumadda iyo beelahooda, gaar ahaan markay ugu yimaaddaan shacabku xafiisyadooda ee ka doonaya inay warbixin ka siiyaan degaannada ay ka yimaaddeen, waxaanay ka noqdaan iyagoo hoog iyo habaarba u jabay, taasa ayaana noqonaysa colaadda aan kor ku soo xusay.
Mudane Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa inaad la heshiiso wixii aqoon leh oo wax kaala tari kara duruufaha kugu xeeran ee aad u baahan tahay in lagaa caawiyo, iyadoo aad moodo in rag badan oo maanta wax kula qaban lahaa ay go’doon kaa yihiin, kaasoo ay sabab u yihiin wasiirrada wax mataraaasha ah ee aan kor ku soo sheegay.
Waxa kale oo jira mudane Madaxweyne, qofka aad magacaabayso inaad marka hore eegto aqoontiisa, sumcaddiisa iyo kalsoonida uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, taasina waxay wax weyn ka tari doontaa waxqabadka xukuumada iyo kalsoonida bulshada.

Sido kale, Mudane Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa in damaca xukuumadda ah ee in mar labaad aad ku guulaysataan doorashada madaxtooyada ee innagu soo fool leh ay saamayn ku yeelan doonto sida aad isugu shaandhayso golahaaga wasiirrada.
Waxa kaloo aan halkan ka xusayaa Sheekh Aadan-siiro oo ah muwaaddin mutaystay in aynu xusno, sababtoo ah waa shaqsi ku xardhan u adeegga dadka jilicsan, kuwa dhimirka wax ka qaba iyo dayreelka xabaalaha.
Waxaana jecelahay inaan xuso Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gashaandhiga iyo Mareeyaha Dekedda Berbera Mr. Cali Xoor-xoor, waxaanay dhammaan masuuliyiintaasi mutaysteen in bulsho-weynta Somlailand ay kaga jiraan baal dahab ah.