Weriye Tima-cadde oo maanta lagu aasay Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee waxa maanta Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya lagu aasay Weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay niskii dambe u geeriyooday dhaawac halis ah oo ay toddobaadkii hore gaadhsiiyeen dablay hubaysan oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen.

ttt

DSC01559

Marxuumka oo lagu aasay xabaalo ku yaala gudaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo afartii Maalmood ee u dambeeyay lagu daaweynayey ka dib markii ay lix xabaddood ku dhufteen dablay hubaysan, xili maalin ah oo uu hawlihiisa shaqo ku jiray.

Wariye, Marxuum Tima-cadde oo ka mid ahaa Wariyayaasha Muqdisho wararka uga soo diri jiray Telefiishanka Universal, ayaa waxa uu u dhintay lix xabadood oo ay ku dhufteen rasaas dablay hubaysan, xili uu ku sugnaa degmada Wadajira, kuwaasi oo aan ilaa hadda la aqoonsan in la soo qabto daaye.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aad ah u cambaareeyay dhaawaca wariyaha uu u dhintay, iyagoo amar ku bixiyay in lasoo xidho sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkiisa.

Aaska Wariyaha, ayaa waxa maanta ka qayb-galay Masuuliyiin badan oo ka mid ah Madaxda dawladda Soomaaliya, shacabka Muqdisho iyo Suxufiyiin tiro badan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.