Qaabka uu u dhacay Aaskii Garaad C/laahi Garaad Soofe oo Laysaga Yimid meelo Badan

Buuhodle (aftahan News) Waxaa  Maanta lagu aasay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo shalay Galab ku Geeriyooday Magaalada Buuhoodle.All Ha u Naxariistee aaska Garaadka Waxaa kasoo Qayb Galay Wufuud kala Duwan oo ka kala yimid Deegaanada Soomalidu ay Degto  Waxaana Marxuumka alle looga Baryey inuu u naxariisto.Halkanaasi laga soo jeediyey Qudbado muhiim ah oo la xidhiidha Kaalintii Garaad C.laahi Garaad soofe ugu Jirey Bulshada Deegaanada SSC iyo guud ahaanba soomalida.

241

Garaad C/laahi  Garaad Soofe wuxuu ku dhashay Deegaanka  Horufadhi ee gobolka Cayn, waxaan da’diisu ahayd haatan Ilaa 80 Jir,  wuu ku hadli jiray luuqada carabiga ah wan macalinkii Quraanka baray Sheikh C/naasir faray xiligaa oo uu bare Quraan ka ahaa horufadhi.

Xilka garaad nimo waxaa loo Caleemo saaray 1983 August Isagoona ilaa maalintaasi ka shaqaynayey Arimaha horumar iyo nabada deegaanka.

Garadku wuxuu wax barashada diiniga ah kusoo qatay dalka Sucuudi Arabia iyo magalada Baydhabo,  wuxuuu kasoo qayb galay shirkii carta iyo kii dastuurka Soomaliya Lagu Ansaxinayey.

Alle ha unaxariistee Wuxuu ubad ka tagey Garaadku  9 caruur ah  (afar Ragga 5 gabdhood) iyo sidoo kale Caruurta  ay sii dhaleen.

 

1234567891011121314151617181920212223242526272829303132333435

IMG_024636

Aftahan News

Mohamed Bashir Nuur Giirg

Buhoodle