Weriyeyaal Muqidsho Ku Xidhan Oo Cuntada Ka Soomay

Muqdisho(Aftahannews):- Maammulaha Idaacadda Shabeelle iyo Weriye loo xidhay warka Gabadh sheegtay in la kufsaday, ayaa sheegay inay Cuntada ka soomeen.

Guddoomiyaha Idaacadda Shabelle, Cabdimalik Yuusuf, waxaa uu la xidhan yahay Weriye Maxamed Bashiir iyo Fadumo Cabdiqaadir, oo ah Gabadha sheegtay in la kufsaday. Saddexdaas ruux waxay ku xidhan yihiin Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Waxaanay Xabsiga ku jiraan muddo toddobaad ah haatan.

Waxay sheegayaan inay ka cabanayaan in dowladdu aanay tallaabo ka qaadin dadka lagu eedeeyay inay wax kufsadeen, halka iyaga la soo xidhay. Weriye Maxamed Bashiir, ayaa loo heystaa in uu wareystay Faadumo Cabdiqadir oo sheegtay inay kufsadeen laba Weriye oo ka hawl-gala Idaacadda dawladda ee Radio Muqdisho.

Cabdimaalik Yuusuf waxaa loo haystaa in uu lahaa qalabka lagu qaaday wareysigaas. Gabadhan lagu magacaabo Faadumo Cabdiqaadir, ayaa la sheegay in da’deedu tahay 19 sano jir. Waxaanay sheegtay in laba Weriye oo hubaysan ay intay dhafoorka xabbad ka saareen ay kufsadeen.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baadhitaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono Qaramada Midoobay, ayaa hore u codsatay in arrintan baadhitaan deg-deg ah lagu sameeyo. Billawgii sannadkan, ayaa sidan oo kale loo xidhay Gabadh sheegtay in la kufsaday iyo weliba Weriye warkeeda tebiyay, kuwaasoo Maxkamadi xukun xadhig iyo ganaax isugu jira ku ridday, inkasta oo dhawr bilood ka dib la sii daayey.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.