Halkuu Ku Danbeeyay Eedaysanihii Loo Hayay Weerarkii Wargeyska Hubaal?

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland ayaa doraad khamiistii damiin ku sii daysay eedaysane Axmed Xassan Xaashi (Yaanyo) oo hoggaaminayay weerar argagixiso oo laba nin oo boolis ahi goor saq-dhexe ah ku mireen xarunta Wargeyska madaxabanaan ee Hubaal.

Falku siduu u dhacay?

24-kii bishii afraad ee sanadkan ayaa laba sarkaal oo boolis ah oo afka soo duubtay ay iyaggoo hubaysan soo weerareen Xarunta Wargeyska Hubaal ee magaaladda Hargeysa.

Waxa ay labada nin baastoolado inta ay ku qabteen, bakooraddo ay siteen u daran-dooriyeen Mareeyaha Wargeyskaas Maxamed Cabdi Jaamac (Caloolay) oo ay judhiiba Gacanta midig ka jabiyeen, sidoo kalle waxa ay dhaawaceen Maxamed Muxumed Faafarx (Lafcanbe) Waxa kale oo xabada ay rideen Booliska Af-ka soo duubtay ay sigtay Muj. Cali Cismaan Cabdi-Libaax (Cali-Xaraaro)  oo ka mid ahaa laba nin oo maareeyaha Wargeyska la fadhiyay daaradda oo ay ugu yimaadeen. Budkaas ay la dhaceen weeraryahanadu raggan waxaa uu keenay in Maareeye Caloolay iyo raggii la fadhiyay Xamili waayaan fadhiga oo isku dayaan inay iska qabtaan Bakooradahan lala dhacayo, iyagoo ku guulaystay inay si kadis ah dhulka iskula dhacaan Hoggaamiyihii Kooxdan argagixisada ah oo ah Axmed Yaanyo, saaxiibkiisii ku weheliyay weerarku waxaa uu isku dayay inuu wax dilo, waxaanu ridday Xabad aan cidna ku dhicin. Tii labaadna waa ay ka ka dibtay, waxaana uu markaa go’aansadday Inuu furro Al-Baabkii oo ay markii hore ee ay soo galeen Xarunta hoosta ka xidheen, isaga oo qiyaastii ka baqay shaqaale iyo dhalinyaro xoogan oo ku jirtay guddaha hore ee Xarunta, Islamarkaana markii ay sanqadhii budadka ee hore iyo dhawaaqii danbe ee Rasaasta Qaylo isla oogsaday, intii buuqani socday waxaa meesha isugu yimi iyana dad badan oo didaba xarunta ka soo gurmaday, kuwaas oo u badnaa dadka jaarka la ah Wargeysaka oo qaarkood Boolis yihiin. Masuuliyiinta Wargeysku, markaa ay hoggaamiyahan kooxda weerarka qaaday qabteen kii kalena fara-cidood ku baxsaday waxaa ay la hadleen Saldhiga dhexe ee Booliska oo waqti kooban ka dib goobta soo gaadhay, waxana ay ku wareerjiyeen Axmed Xassan Xaashi (Yaanyo) iyo Hubkii uu sitay oo ay ku jireen Boostoolad, Koofiyad loogu tala-galay inay wadda qariso madaxa qofka oo dhan labada Indhood mooyaane,, qufulo ay siteen iyo qalabkii xafiiska ee ay burburiyeen. Bilowgii tuhunka weerarkani waxa uu galay Madaxtooyadda ilaa haddana arrintaas iskama ay barri yeelin.

Maxaa Boolisku kaga jawaabay?

Jidhii Taliyaha Boolisku Fadal waxaa uu qiray in danbi dhacay, Islamarkaana boolisku ku lug yeeshay oo ninka la qabtay yahay iyo ka la socdayba yihiin Boolis, laakiin, waxaa uu ku dooday in falka la baadhayo, isaga oo haddana baadhistii ka hordhacay oo xukumay kuna difaacay eedaysanayaasha inay iyagga falka geystay ay ku kooban-tahay oo aanay jirin cid ka danbeysay. Waxaa markaa loo saaray saariil baadhiseed su’aalihii koowaad ee ay warsadeen dhibanayaashiina, waxa dhacday in danbi baadhayaashii la kala diro, nin la eryo iyo nin laga fogeeyay Hargeysaba. Waxaana soo baxay in aan baadhista falkan aan daacad laga ahayn. Waxaa qayliyay bahda warbaahinta, ururada xuquuqda aadamaha iyo bulshada caalamka ee tixgalisa xoriyadda hadalka iyo dimuquraadiyadda oo falkani dhaawac weyn ku ahaa. Waxaana si joogto ah warbaahinta ugu soo baxayay in kiiskaasi looga fadhiyo cadayntiisa iyo soo qabashada eedaysanihii baxsadayba laamaha ay shaqadoodda tahay. Laakiin, arrintaas Xukuumadda iyo taliska Booliskuba colaad xoogan oo dheeraad ah oo ka dhan ah saxaafadda ayuunbay ka sii qaadeen, sidda muuqata waxaana ay Eedaysanihii kali ahaa ee shacbigu gacanta u galiyay inta ay Jeelka dhexe geeyeen bilaabeen weeraro waji kalle leh. Iyadoo albaabada loo Xidhay Wargeyska Hubaal, sidoo kallena xabsi la dhigay laba xubnood oo ka mid ah masuuliyiintiisa. Laakiin, raad-gadashaas waa lagu guuldaraystay waxaana ay noqotay in la soo daayo masuuliyiinta iyo Wargeyska Hubaalba. Waxaana ay sababta waxaan oo dhacdooyin ahi sii cusleeyeen uun tuhunkii bilowgiiba dhashay ee falkan ku xidhiidhinayay madax awoodda inay abaabusho fal argagixiso oo baaxadan leh., islamarkaana awood dawladeed ku cabudhiso. Maadaama, Warbaahinta Somaliland ee madaxa-banaani lafdhuungashay ku noqotay kooxo badan oo siyaabo khaldan ugu gabood-fala amaanadda ay ummada u hayaan. Wargeyska Hubaal-na ugu horeeyo kuwa tooshka ku shidda qowlaysatadda.

Ka Dib maxaa dhacay?

Inta hawl-galka qiiq isku qarinta ahi socday waxaa jiray oo bar-bar socday sidoo kale abaabul lagu doonayay in la curriyo arrin maan-gal ah oo falkan lagu danbabasi karro. Iyadoo xattaa edaysanaha la hayay isku dayay inuu ku doodo waa la i qafaashay oo waxaan raadinayay Iclaaj Ilmo aan dhalay ku jiray, iyaddoo taas ay ka hor-timi su’aasha ah, nin hubaysan oo ciidan ah dad aan hubaysnayn oo shacab ahi inta ay qafaashaan Boolis ma ugu yeedhi karaan? Hadday dhacdayba, Yaa Jajabiyay masuuliyiinta iyo qalabka Wargeyska, sideedse intaaas oo nin uu u layn karaa nin kali ah oo ay qafaasheen? Maxaase ninkan ka keenay saldhigii uu  madaxda ka ahaa ee uu ka shaqeynayay habeenkaas laftiisa oo ku yaala-xaafadda Maxamed Mooge ee saqda dhexe keenay xaafada Goljano, oo aad uga fog? Saqda dhexese Iclaajyaddu miyay shaqeeyaan? Ma Wargeyskaa Iclaajka noqdayse?

Boqolaal su’aalood oo doodan jaban ka dhalan-kara ayaa waxa ay sababeen in todoba Bilood ka dib sifo maqluub ah  looga sii daayo Xabsiga. Iyaddoo Maxkamadda ciiddanka loogu dhigay Maxbuus muddo todoba bilood ah iska xidhnaa. Islamarkaana, cidii uu u xidhnaa oo laga dhigay Wargeyska Hubaal oo kali ahi ay diiday inay timaado Maxkamadda. Waxaa is weydiin leh, habkee ayay maraan Maxkamadaha ciidanku?

Sharci ahaan Maxkamada ciidanku marka laga hadlayo baadhista kiiska, oogista, difaacida iyo ka garnaqistaba waxa ay maraan habka Maxkamada kalle ee caadiga ahi maraan. Waxana ay raacaan Xeerka ciqaabta iyo xeerarka madaniga ahba. Tusaale ahaan, Baadhista Boolisku marka ay falkii gacanta ku dhigaan, waxa ay baadhayaan falkii dhacay iyagoo eedaysanaha weydiinaya inuu kiiskan qiranayo iyo in kalle, haddii aanu qiran. Waxay sameynayaan inay waraystaan, dhibanihii, goobjoogayaashii, maragyaddii iyo Booliskii goobta tagay ee gacanta ku soo dhigay eedaynaha la hayo si ay uga waramaan wixii ay arkeen. Intaas ka dib, Booliska waxaa xaq loogu leeyahay inay wargeliyaan hadba dhibanaha halka kiisku marayo. Waxaa kalle, oo ay ku wargelinayaan dhibanaha qodobada uu jabiyay eedaysanuhu iyo eeda ay u gudbiyeen Xeer ilaalinta sida ay u dhigantahay. Waxaa kalle oo ay u gudbinayaan Baadhayaashu Xeer ilaalinta khasaarihii dhacay oo la qiimeeyay iyo haddii ay jiraan eedaysanayaal kalle oo maqani, Waxaa kale oo ay ku wargelinayaan maragyadda inay xeer ilaalinta u gudbiyeen Maragfurkooddii iyo inay u diyaargaroobaan marka loo yeedho.

Xeer Ilaalinta:

Marka laga hadlayo  sharciga danbi kasta oo dhaca waxaa dhibanaha koowaad ka ah Qaranka, sidee ayuu Qaranku dhibane u yahay haddii aad akhriste is weydiiso, waxa uu u yahay, Qaranka ayaa ka masuul ah in aanu danbi dhicin. Hadduu uu danbi dhacana, Qaranka ayaa laga galay, Dhibanaha labaadna waa cidda danbigaas laga galay. Sidaas darteed, Xeer ilaalintu waxaa ay matalaysaa Qarankii danbiga laga galay iyo ruuxii dhibanaha ahaaba. Waxana waajibaadka Xeer ilaalinta ka mid ah inay cadayso in danbi dhacay iyo in kalle, waxa kalle oo ay cadaynaysaa in qofka la hayaa yahay kii danbiga galay iyo in kale. waxaa kalle oo waajibkeedda ka mid ah inay kormeerto dushana ka maamusho marka horeba habka baadhista ilaa Maxkamada horteeddana ka cadayso.

Doorkan xeer ilaalinta waxaa ku waajibinaya Qodobka 70-aad iyo kan 71-aad ee xeerka Ciqaabta. Waana in Xeer ilaalintu u dhaxayso Waaxdii garsoorka iyo dhibanaha. Markaa haddii ay xeer Ilaalintu nidaamkaas mari-weydo waxaa ay muujinaysaa in la candadowlay falkaa dhacay oo dan kalle meesha ku jirto. Sharaxaada yaynaan ku raagin…Haddii hadaba, nidaamku sidaas yahay, waxaa is weydiin leh halkey ka baxday Xeer ilaalintii hawshan oo dhan lahayd ee gacanta ku haysay Kiiska Hubaal, ma la xidhiidhay dhibanihii ay hawshiisa ku jirtay iyo maragyadiiba oo ma u yeedhay, hadii aanay la xidhiidhin maxay Maxkamadi ka garnaqi kartaa?

Haddii ay khalad tahay in eedaysane mudo iska xidhnaado bilaa maxkamad yaa danbigeedda leh… Yaa falka baadhayay ma dhibanaha  mise laamaha danbi baadhista?.

Xaqiiqdii Wargeyska Hubaal iyo dhamaan bahda saxaafadu in badan ayay kor iyo hoosba arrintan uga hadashay una dalbaday in kiiskan si waafi ah loo gallo. Laakiin, waan la ogoleyn., xattaa waxa caqligu siiyay in la isku dayo Garo’oo meeshana laga saaro xataa eedaysanahu danbigii uu ka galay qaranka guud ahaan iyo amaanka dalka, dimuquraadiyadda, falkii aragagixisada dilka ah ahaa ee uu dhaawacyada ku gaysteen isaga iyo colkiisu iyo dhacdooyinkii falkan ku xeernaa oo dhan iyadoo jid fool-xun la marayo. Runtuna waxaa weeye oo ay saxaafaddu arrintan u aragtaa in laga ordayo inuu kashifo eedaysanuhu ciddii ka danbaysay falka. Balse, waxaa gabagabada tagaysaa maadaama oo aan loo maaro helayn in sifo sharci ah ama sharci darro ah lagu furdaamiyo Eedaysane dhagar shirqool ah lagu qabtay isaga oo gacanta kulla jira in Xukuumaddu calool adaygto Xeer ilaalintuna guddato waajibkeedda. Waayo, Falaadhi gilgilasho kaagama godo Warbaahinta iyo ummaduna waa u fadhidaa in laga qanciyo danbigii dhacay oo horseed ka noqday in masuuliyiin door ah dhacdadan ka dib sidoo kalle rag hubaysani weeraraan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login